Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱقْرَأْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
Turjubaanka: Iqra bismi rab bikal lazee khalaq
Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga).
- 2
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِنْ عَلَقٍ
Turjubaanka: Khalaqal insaana min 'alaq
Dadkana ka abuuray Calaq.
- 3
ٱقْرَأْ وَرَبُّكَ ٱلْأَكْرَمُ
Turjubaanka: Iqra wa rab bukal akram
Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe.
- 4
ٱلَّذِى عَلَّمَ بِٱلْقَلَمِ
Turjubaanka: Al lazee 'allama bil qalam
Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro.
- 5
عَلَّمَ ٱلْإِنسَٰنَ مَا لَمْ يَعْلَمْ
Turjubaanka: 'Al lamal insaana ma lam y'alam
Dadkana baray waxayna aqoonin.
- 6
كَلَّآ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَيَطْغَىٰٓ
Turjubaanka: Kallaa innal insaana layatghaa
Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen.
- 7
أَن رَّءَاهُ ٱسْتَغْنَىٰٓ
Turjubaanka: Ar-ra aahus taghnaa
Markuu isku ogaaday Hodontinnimo.
- 8
إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجْعَىٰٓ
Turjubaanka: Innna ilaa rabbikar ruj'aa
Eebaha xaggiisaase loo noqon.
- 9
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يَنْهَىٰ
Turjubaanka: Ara-aital lazee yanhaa
Ka warrama midka ka reebaya.
- 10
عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰٓ
Turjubaanka: 'Abdan iza sallaa
Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda.
- 11
أَرَءَيْتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلْهُدَىٰٓ
Turjubaanka: Ara-aita in kana 'alal hudaa
Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga).
- 12
أَوْ أَمَرَ بِٱلتَّقْوَىٰٓ
Turjubaanka: Au amara bit taqwaa
Ama uu fari Eeba ka yaabid.
- 13
أَرَءَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ
Turjubaanka: Ara-aita in kaz zaba wa ta walla
Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe).
- 14
أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ
Turjubaanka: Alam y'alam bi-an nal lahaa yaraa
Miyuusan ogayn in Eebe arko.
- 15
كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًۢا بِٱلنَّاصِيَةِ
Turjubaanka: Kalla la illam yantahi la nasfa'am bin nasiyah
Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda.
- 16
نَاصِيَةٍۢ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٍۢ
Turjubaanka: Nasiyatin kazi batin khaatiyah
Food beenaleey ah ghafna badan.
- 17
فَلْيَدْعُ نَادِيَهُۥ
Turjubaanka: Fal yad'u naadiyah
Ha u yeedho gargaarihiisa.
- 18
سَنَدْعُ ٱلزَّبَانِيَةَ
Turjubaanka: Sanad 'uz zabaaniyah
Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane.
- 19
كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَٱسْجُدْ وَٱقْتَرِب ۩
Turjubaanka: Kalla; la tuti'hu wasjud waqtarib
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe).
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.