Dhammaan suuradaha

Suurad 92

The Night

سُورَةُ اللَّيۡلِ

Al-Lail · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ

    Turjubaanka: Wallaili izaa yaghshaa

    Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.

  2. 2

    وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ

    Turjubaanka: Wannahaari izaa tajalla

    Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto).

  3. 3

    وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ

    Turjubaanka: Wa maa khalaqaz zakara wal unthaa

    Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.

  4. 4

    إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ

    Turjubaanka: Inna sa'yakum lashattaa

    In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.

  5. 5

    فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَٱتَّقَىٰ

    Turjubaanka: Fa ammaa man a'taa wattaqaa

    Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.

  6. 6

    وَصَدَّقَ بِٱلْحُسْنَىٰ

    Turjubaanka: Wa saddaqa bil husnaa

    Rumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).

  7. 7

    فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْيُسْرَىٰ

    Turjubaanka: Fasanu yassiruhoo lilyusraa

    Waxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).

  8. 8

    وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسْتَغْنَىٰ

    Turjubaanka: Wa ammaa mam bakhila wastaghnaa

    Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».

  9. 9

    وَكَذَّبَ بِٱلْحُسْنَىٰ

    Turjubaanka: Wa kazzaba bil husnaa

    Reeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).

  10. 10

    فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْعُسْرَىٰ

    Turjubaanka: Fasanu yassiruhoo lil'usraa

    Waxaan u fududaynaa Jidka xun.

  11. 11

    وَمَا يُغْنِى عَنْهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ

    Turjubaanka: Wa maa yughnee 'anhu maaluhooo izaa taraddaa

    Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.

  12. 12

    إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ

    Turjubaanka: Inna 'alainaa lal hudaa

    Annagaa wax hanuuninna.

  13. 13

    وَإِنَّ لَنَا لَلْءَاخِرَةَ وَٱلْأُولَىٰ

    Turjubaanka: Wa inna lanaa lal Aakhirata wal oolaa

    Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.

  14. 14

    فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًۭا تَلَظَّىٰ

    Turjubaanka: Fa anzartukum naaran talazzaa

    Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.

  15. 15

    لَا يَصْلَىٰهَآ إِلَّا ٱلْأَشْقَى

    Turjubaanka: Laa yaslaahaaa illal ashqaa

    Oosan galaynin Ruux xun mooyeen.

  16. 16

    ٱلَّذِى كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

    Turjubaanka: Allazee kazzaba wa tawallaa

    Oo xaqa beeniyay jeedsadayna.

  17. 17

    وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلْأَتْقَى

    Turjubaanka: Wa sa yujannnabuhal atqaa

    Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.

  18. 18

    ٱلَّذِى يُؤْتِى مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ

    Turjubaanka: Allazee yu'tee maalahoo yatazakkaa

    Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.

  19. 19

    وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعْمَةٍۢ تُجْزَىٰٓ

    Turjubaanka: Wa maa li ahadin 'indahoo min ni'matin tujzaaa

    Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.

  20. 20

    إِلَّا ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِ ٱلْأَعْلَىٰ

    Turjubaanka: Illab tighaaa'a wajhi rabbihil a 'laa

    Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.

  21. 21

    وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ

    Turjubaanka: Wa lasawfa yardaa

    Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.

The Night — Islam Word