Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ لَآ أُقْسِمُ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ
Turjubaanka: Laaa uqsimu bihaazal balad
Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».
- 2
وَأَنتَ حِلٌّۢ بِهَٰذَا ٱلْبَلَدِ
Turjubaanka: Wa anta hillum bihaazal balad
Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.
- 3
وَوَالِدٍۢ وَمَا وَلَدَ
Turjubaanka: Wa waalidinw wa maa walad
Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».
- 4
لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ فِى كَبَدٍ
Turjubaanka: Laqad khalaqnal insaana fee kabad
Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).
- 5
أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌۭ
Turjubaanka: Ayahsabu al-lai yaqdira 'alaihi ahad
Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).
- 6
يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًۭا لُّبَدًا
Turjubaanka: Yaqoolu ahlaktu maalal lubadaa
Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).
- 7
أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
Turjubaanka: Ayahsabu al lam yarahooo ahad
Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.
- 8
أَلَمْ نَجْعَل لَّهُۥ عَيْنَيْنِ
Turjubaanka: Alam naj'al lahoo 'aynayn
Miyaannaan u yeelin Laba indhood.
- 9
وَلِسَانًۭا وَشَفَتَيْنِ
Turjubaanka: Wa lisaananw wa shafatayn
Iyo Carrab iyo Laba bishimood.
- 10
وَهَدَيْنَٰهُ ٱلنَّجْدَيْنِ
Turjubaanka: Wa hadaynaahun najdayn
Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).
- 11
فَلَا ٱقْتَحَمَ ٱلْعَقَبَةَ
Turjubaanka: Falaq tahamal-'aqabah
Ee Dadku muu jiidho Jiirta.
- 12
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْعَقَبَةُ
Turjubaanka: Wa maaa adraaka mal'aqabah
Ma taqaannaa Jiirta.
- 13
فَكُّ رَقَبَةٍ
Turjubaanka: Fakku raqabah
Waa qoor la xoreeyo.
- 14
أَوْ إِطْعَٰمٌۭ فِى يَوْمٍۢ ذِى مَسْغَبَةٍۢ
Turjubaanka: Aw it'aamun fee yawmin zee masghabah
Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.
- 15
يَتِيمًۭا ذَا مَقْرَبَةٍ
Turjubaanka: Yateeman zaa maqrabah
Agoon kuu dhaw.
- 16
أَوْ مِسْكِينًۭا ذَا مَتْرَبَةٍۢ
Turjubaanka: Aw miskeenan zaa matrabah
Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).
- 17
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلْمَرْحَمَةِ
Turjubaanka: Summa kaana minal lazeena aamanoo wa tawaasaw bissabri wa tawaasaw bilmarhamah
Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.
- 18
أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلْمَيْمَنَةِ
Turjubaanka: Ulaaa'ika As-haabul maimanah
Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.
- 19
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا هُمْ أَصْحَٰبُ ٱلْمَشْـَٔمَةِ
Turjubaanka: Wallazeena kafaroo bi aayaatinaa hum as-haabul Mash'amah
Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.
- 20
عَلَيْهِمْ نَارٌۭ مُّؤْصَدَةٌۢ
Turjubaanka: Alaihim naarum mu'sadah
Waxaana lagu dabooli Naar.
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.