Dhammaan suuradaha

Suurad 88

The Overwhelming

سُورَةُ الغَاشِيَةِ

Al-Ghaashiya · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ

    Turjubaanka: Hal ataaka hadeesul ghaashiyah

    Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.

  2. 2

    وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ

    Turjubaanka: Wujoohuny yawma 'izin khaashi'ah

    Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.

  3. 3

    عَامِلَةٌۭ نَّاصِبَةٌۭ

    Turjubaanka: 'Aamilatun naasibah

    Waxayna qaban Shaqo dhib ah.

  4. 4

    تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةًۭ

    Turjubaanka: Taslaa naaran haamiyah

    Waxayna gali Naar kulul.

  5. 5

    تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍۢ

    Turjubaanka: Tusqaa min 'aynin aaniyah

    Waxaana laga waraabin il kulayl daran.

  6. 6

    لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍۢ

    Turjubaanka: Laisa lahum ta'aamun illaa min daree'

    Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).

  7. 7

    لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍۢ

    Turjubaanka: Laa yusminu wa laa yughnee min joo'

    Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.

  8. 8

    وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ نَّاعِمَةٌۭ

    Turjubaanka: Wujoohuny yawma 'izin naa'imah

    Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta).

  9. 9

    لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌۭ

    Turjubaanka: Lisa'yihaa raadiyah

    Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.

  10. 10

    فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍۢ

    Turjubaanka: Fee jannatin 'aaliyah

    Janno sarana way gali.

  11. 11

    لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةًۭ

    Turjubaanka: Laa tasma'u feehaa laaghiyah

    Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.

  12. 12

    فِيهَا عَيْنٌۭ جَارِيَةٌۭ

    Turjubaanka: Feehaa 'aynun jaariyah

    Waxaana ah dhexdeed il socota.

  13. 13

    فِيهَا سُرُرٌۭ مَّرْفُوعَةٌۭ

    Turjubaanka: Feehaa sururum marfoo'ah

    iyo Sariiro la koryeelay.

  14. 14

    وَأَكْوَابٌۭ مَّوْضُوعَةٌۭ

    Turjubaanka: Wa akwaabum mawdoo 'ah

    Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).

  15. 15

    وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌۭ

    Turjubaanka: Wa namaariqu masfoofah

    Iyo Barkimooyin la safay.

  16. 16

    وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ

    Turjubaanka: Wa zaraabiyyu mabsoosah

    Iyo gogol la fidiyay.

  17. 17

    أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ

    Turjubaanka: Afalaa yanzuroona ilalibili kaifa khuliqat

    Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.

  18. 18

    وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ

    Turjubaanka: Wa ilas samaaa'i kaifa rufi'at

    Iyo sida Samada loo koryeelay.

  19. 19

    وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ

    Turjubaanka: Wa ilal jibaali kaifa nusibat

    Iyo sida Ruuraha loo taagay,

  20. 20

    وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ

    Turjubaanka: Wa ilal ardi kaifa sutihat

    Iyo sida dhulka loo fidiyay.

  21. 21

    فَذَكِّرْ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌۭ

    Turjubaanka: Fazakkir innama anta Muzakkir

    Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).

  22. 22

    لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ

    Turjubaanka: Lasta 'alaihim bimusaitir

    Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).

  23. 23

    إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ

    Turjubaanka: Illaa man tawallaa wa kafar

    Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).

  24. 24

    فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَكْبَرَ

    Turjubaanka: Fa yu'azzibuhul laahul 'azaabal akbar

    Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.

  25. 25

    إِنَّ إِلَيْنَآ إِيَابَهُمْ

    Turjubaanka: Innaa ilainaaa iyaabahum

    Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).

  26. 26

    ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم

    Turjubaanka: Summa inna 'alainaa hisaabahum

    Annagaana xisaabin.

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.