Dhammaan suuradaha

Suurad 87

The Most High

سُورَةُ الأَعۡلَىٰ

Al-A'laa · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى

    Turjubaanka: Sabbihisma Rabbikal A'laa

    Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.

  2. 2

    ٱلَّذِى خَلَقَ فَسَوَّىٰ

    Turjubaanka: Allazee khalaqa fasawwaa

    Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.

  3. 3

    وَٱلَّذِى قَدَّرَ فَهَدَىٰ

    Turjubaanka: Wallazee qaddara fahadaa

    Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.

  4. 4

    وَٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلْمَرْعَىٰ

    Turjubaanka: Wallazeee akhrajal mar'aa

    Eebaha soo bixiya Daaqa.

  5. 5

    فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحْوَىٰ

    Turjubaanka: Faja'alahoo ghusaaa'an ahwaa

    Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow.

  6. 6

    سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ

    Turjubaanka: Sanuqri'uka falaa tansaaa

    Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.

  7. 7

    إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ

    Turjubaanka: Illaa maa shaaa'al laah; innahoo ya'lamul jahra wa maa yakhfaa

    Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.

  8. 8

    وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ

    Turjubaanka: Wa nu-yassiruka lilyusraa

    Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican.

  9. 9

    فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكْرَىٰ

    Turjubaanka: Fazakkir in nafa'atizzikraa

    Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.

  10. 10

    سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ

    Turjubaanka: Sa yazzakkaru maiyakhshaa

    Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.

  11. 11

    وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلْأَشْقَى

    Turjubaanka: Wa yatajannabuhal ashqaa

    Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.

  12. 12

    ٱلَّذِى يَصْلَى ٱلنَّارَ ٱلْكُبْرَىٰ

    Turjubaanka: Allazee yaslan Naaral kubraa

    Ee ah mid gali Naar wayn.

  13. 13

    ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ

    Turjubaanka: Summa laa yamootu feehaa wa laa yahyaa

    Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.

  14. 14

    قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ

    Turjubaanka: Qad aflaha man tazakkaa

    Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.

  15. 15

    وَذَكَرَ ٱسْمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ

    Turjubaanka: Wa zakaras ma Rabbihee fasallaa

    magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.

  16. 16

    بَلْ تُؤْثِرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا

    Turjubaanka: Bal tu'siroonal hayaatad dunyaa

    Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.

  17. 17

    وَٱلْءَاخِرَةُ خَيْرٌۭ وَأَبْقَىٰٓ

    Turjubaanka: Wal Aakhiratu khairunw wa abqaa

    Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).

  18. 18

    إِنَّ هَٰذَا لَفِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ

    Turjubaanka: Inna haazaa lafis suhu fil oolaa

    Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.

  19. 19

    صُحُفِ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ

    Turjubaanka: Suhufi Ibraaheema wa Moosaa

    Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.

The Most High — Islam Word