Dhammaan suuradaha

Suurad 85

The Mansions of the Stars

سُورَةُ البُرُوجِ

Al-Burooj · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْبُرُوجِ

    Turjubaanka: Wassamaaa'i zaatil burooj

    Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).

  2. 2

    وَٱلْيَوْمِ ٱلْمَوْعُودِ

    Turjubaanka: Wal yawmil maw'ood

    Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).

  3. 3

    وَشَاهِدٍۢ وَمَشْهُودٍۢ

    Turjubaanka: Wa shaahidinw wa mashhood

    Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.

  4. 4

    قُتِلَ أَصْحَٰبُ ٱلْأُخْدُودِ

    Turjubaanka: Qutila as haabul ukhdood

    Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).

  5. 5

    ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلْوَقُودِ

    Turjubaanka: Annaari zaatil waqood

    Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.

  6. 6

    إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌۭ

    Turjubaanka: Iz hum 'alaihaa qu'ood

    Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.

  7. 7

    وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِٱلْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌۭ

    Turjubaanka: Wa hum 'alaa maa yaf'aloona bilmu 'mineena shuhood

    iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».

  8. 8

    وَمَا نَقَمُوا۟ مِنْهُمْ إِلَّآ أَن يُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَمِيدِ

    Turjubaanka: Wa maa naqamoo minhum illaaa aiyu'minoo billaahil 'azeezil Hameed

    Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.

  9. 9

    ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ شَهِيدٌ

    Turjubaanka: Allazee lahoo mulkus samaawaati wal ard; wallaahu 'alaa kulli shai 'in Shaheed

    Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.

  10. 10

    إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُوا۟ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا۟ فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ ٱلْحَرِيقِ

    Turjubaanka: Innal lazeena fatanul mu'mineena wal mu'minaati summa lam yatooboo falahum 'azaabu Jahannama wa lahum 'azaabul hareeq

    Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.

  11. 11

    إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتٌۭ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْكَبِيرُ

    Turjubaanka: Innal lazeena aamanoo wa 'amilus saalihaati lahum Jannaatun tajree min tahtihal anhaar; zaalikal fawzul kabeer

    Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.

  12. 12

    إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ

    Turjubaanka: Inna batsha Rabbika lashadeed

    Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.

  13. 13

    إِنَّهُۥ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ

    Turjubaanka: Innahoo Huwa yubdi'u wa yu'eed

    Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.

  14. 14

    وَهُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلْوَدُودُ

    Turjubaanka: Wa Huwal Ghafoorul Wadood

    Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).

  15. 15

    ذُو ٱلْعَرْشِ ٱلْمَجِيدُ

    Turjubaanka: Zul 'Arshil Majeed

    Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.

  16. 16

    فَعَّالٌۭ لِّمَا يُرِيدُ

    Turjubaanka: Fa' 'aalul limaa yureed

    Wuuna falaa wuxuu doono.

  17. 17

    هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْجُنُودِ

    Turjubaanka: Hal ataaka hadeesul junood

    Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).

  18. 18

    فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ

    Turjubaanka: Fir'awna wa Samood

    Fircoon iyo Thamuud.

  19. 19

    بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى تَكْذِيبٍۢ

    Turjubaanka: Balil lazeena kafaroo fee takzeeb

    Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).

  20. 20

    وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطٌۢ

    Turjubaanka: Wallaahu minw waraaa'ihim muheet

    Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).

  21. 21

    بَلْ هُوَ قُرْءَانٌۭ مَّجِيدٌۭ

    Turjubaanka: Bal huwa Quraanum Majeed

    Waase Quraan sharaf leh.

  22. 22

    فِى لَوْحٍۢ مَّحْفُوظٍۭ

    Turjubaanka: Fee Lawhim Mahfooz

    Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.

The Mansions of the Stars — Islam Word