Dhammaan suuradaha

Suurad 84

The Sundering

سُورَةُ الانشِقَاقِ

Al-Inshiqaaq · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتْ

    Turjubaanka: Izas samaaa'un shaqqat

    Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).

  2. 2

    وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ

    Turjubaanka: Wa azinat li Rabbihaa wa huqqat

    Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.

  3. 3

    وَإِذَا ٱلْأَرْضُ مُدَّتْ

    Turjubaanka: Wa izal ardu muddat

    Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).

  4. 4

    وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ

    Turjubaanka: Wa alqat maa feehaa wa takhallat

    Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.

  5. 5

    وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ

    Turjubaanka: Wa azinat li Rabbihaa wa huqqat

    Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).

  6. 6

    يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًۭا فَمُلَٰقِيهِ

    Turjubaanka: Yaaa ayyuhal insaanu innaka kaadihun ilaa Rabbika kad han famulaaqeeh

    Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.

  7. 7

    فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ

    Turjubaanka: Fa ammaa man ootiya kitaabahoo biyameenih

    Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee).

  8. 8

    فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًۭا يَسِيرًۭا

    Turjubaanka: Fasawfa yuhaasabu hi saabai yaseeraa

    Waxaa la xisaabin xisaab fudud.

  9. 9

    وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًۭا

    Turjubaanka: Wa yanqalibu ilaaa ahlihee masrooraa

    Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.

  10. 10

    وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهْرِهِۦ

    Turjubaanka: Wa ammaa man ootiya kitaabahoo waraaa'a zahrih

    Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).

  11. 11

    فَسَوْفَ يَدْعُوا۟ ثُبُورًۭا

    Turjubaanka: Fasawfa yad'oo subooraa

    Wuxuu u yeedhan Halaag.

  12. 12

    وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا

    Turjubaanka: Wa yaslaa sa'eeraa

    Wuxuuna gali Naarta Saciira.

  13. 13

    إِنَّهُۥ كَانَ فِىٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا

    Turjubaanka: Innahoo kaana feee ahlihee masrooraa

    Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).

  14. 14

    إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ

    Turjubaanka: Innahoo zanna al lai yahoor

    Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).

  15. 15

    بَلَىٰٓ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرًۭا

    Turjubaanka: Balaaa inna Rabbahoo kaana bihee baseeraa

    Saas ma ahee Eebe waa arkaa.

  16. 16

    فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلشَّفَقِ

    Turjubaanka: Falaaa uqsimu bishshafaq

    Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.

  17. 17

    وَٱلَّيْلِ وَمَا وَسَقَ

    Turjubaanka: Wallaili wa maa wasaq

    Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.

  18. 18

    وَٱلْقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ

    Turjubaanka: Walqamari izat tasaq

    Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.

  19. 19

    لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍۢ

    Turjubaanka: Latarkabunna tabaqan 'an tabaq

    Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/

  20. 20

    فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ

    Turjubaanka: Famaa lahum laa yu'minoon

    Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).

  21. 21

    وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ ٱلْقُرْءَانُ لَا يَسْجُدُونَ ۩

    Turjubaanka: Wa izaa quri'a 'alaihimul Quraanu laa yasjudoon

    Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.

  22. 22

    بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُكَذِّبُونَ

    Turjubaanka: Balil lazeena kafaroo yukazziboon

    Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).

  23. 23

    وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ

    Turjubaanka: Wallaahu a'lamu bimaa yoo'oon

    Eebana waa ogyahay waxay qarsan.

  24. 24

    فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

    Turjubaanka: Fabashshirhum bi'azaabin aleem

    Ugu bishaaree caddibaad daran.

  25. 25

    إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۭ

    Turjubaanka: Illal lazeena aamanoo wa 'amilus saalihaati lahum ajrun ghairu mamnoon

    Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.

The Sundering — Islam Word