Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَيْلٌۭ لِّلْمُطَفِّفِينَ
Turjubaanka: Wailul lil mutaffifeen
Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
- 2
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ
Turjubaanka: Allazeena izak taaloo 'alan naasi yastawfoon
Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta).
- 3
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ
Turjubaanka: Wa izaa kaaloohum aw wazanoohum yukhsiroon
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
- 4
أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ
Turjubaanka: Alaa yazunnu ulaaa'ika annahum mab'oosoon
Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin.
- 5
لِيَوْمٍ عَظِيمٍۢ
Turjubaanka: Li Yawmin 'Azeem
Maalin wayn darteed (Qiyaamada).
- 6
يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Turjubaanka: Yawma yaqoomun naasu li Rabbil 'aalameen
Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka.
- 7
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍۢ
Turjubaanka: Kallaaa inna kitaabal fujjaari lafee Sijjeen
Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin.
- 8
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌۭ
Turjubaanka: Wa maa adraaka maa Sijjeen
Ma taqaannaa Sijiin.
- 9
كِتَٰبٌۭ مَّرْقُومٌۭ
Turjubaanka: Kitaabum marqoom
Waa Kitaab calaamaysan.
- 10
وَيْلٌۭ يَوْمَئِذٍۢ لِّلْمُكَذِّبِينَ
Turjubaanka: Wailuny yawma'izil lil mukazzibeen
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa).
- 11
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
Turjubaanka: Allazeena yukazziboona bi yawmid deen
Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta.
- 12
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
Turjubaanka: Wa maa yukazzibu biheee illaa kullu mu'tadin aseem
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
- 13
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Turjubaanka: Izaa tutlaa'alaihi aayaatunaa qaala asaateerul awwaleen
Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore.
- 14
كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Turjubaanka: Kallaa bal raana 'alaa quloobihim maa kaanoo yaksiboon
Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah.
- 15
كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍۢ لَّمَحْجُوبُونَ
Turjubaanka: Kallaaa innahum 'ar Rabbihim yawma'izil lamah jooboon
Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi.
- 16
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ
Turjubaanka: Summa innahum lasaa lul jaheem
Markaasna ay gali Jaxiimo.
- 17
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Turjubaanka: Summa yuqaalu haazal lazee kuntum bihee tukazziboon
Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka.
- 18
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ
Turjubaanka: Kallaaa inna kitaabal abraari lafee'Illiyyeen
Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin.
- 19
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
Turjubaanka: Wa maaa adraaka maa 'Illiyyoon
Cilliyiin ma taqaannaa.
- 20
كِتَٰبٌۭ مَّرْقُومٌۭ
Turjubaanka: Kitaabum marqoom
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro.
- 21
يَشْهَدُهُ ٱلْمُقَرَّبُونَ
Turjubaanka: Yashhadu hul muqarra boon
Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw.
- 22
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
Turjubaanka: Innal abraara lafee Na'eem
Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno).
- 23
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
Turjubaanka: 'Alal araaa'iki yanzuroon
(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.
- 24
تَعْرِفُ فِى وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ ٱلنَّعِيمِ
Turjubaanka: Ta'rifu fee wujoohihim nadratan na'eem
Wajigooda waanad ka garan Nicmada.
- 25
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍۢ مَّخْتُومٍ
Turjubaanka: Yusqawna mir raheeqim makhtoom
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).
- 26
خِتَٰمُهُۥ مِسْكٌۭ ۚ وَفِى ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ ٱلْمُتَنَٰفِسُونَ
Turjubaanka: Khitaamuhoo misk; wa fee zaalika falyatanaafasil Mutanaafisoon
Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.
- 27
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسْنِيمٍ
Turjubaanka: Wa mizaajuhoo min Tasneem
Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.
- 28
عَيْنًۭا يَشْرَبُ بِهَا ٱلْمُقَرَّبُونَ
Turjubaanka: 'Ainaiy yashrabu bihal muqarraboon
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.
- 29
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ كَانُوا۟ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَضْحَكُونَ
Turjubaanka: Innal lazeena ajramoo kaanoo minal lazeena aamanoo yadhakoon
Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.
- 30
وَإِذَا مَرُّوا۟ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ
Turjubaanka: Wa izaa marroo bihim yataghaamazoon
Haday maraanna way xaqirijireen.
- 31
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمُ ٱنقَلَبُوا۟ فَكِهِينَ
Turjubaanka: Wa izan qalabooo ilaaa ahlihimun qalaboo fakiheen
Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan).
- 32
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ
Turjubaanka: Wa izaa ra awhum qaalooo inna haaa'ulaaa'i ladaaal loon
Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin.
- 33
وَمَآ أُرْسِلُوا۟ عَلَيْهِمْ حَٰفِظِينَ
Turjubaanka: Wa maaa ursiloo 'alaihim haafizeen
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta.
- 34
فَٱلْيَوْمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنَ ٱلْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ
Turjubaanka: Fal yawmal lazeena aamanoo minal kuffaari yadhakoon
Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.
- 35
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
Turjubaanka: 'Alal araaa'iki yanzuroon
Sariiro korkood yayna wax daawan.
- 36
هَلْ ثُوِّبَ ٱلْكُفَّارُ مَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ
Turjubaanka: Hal suwwibal kuffaaru maa kaanoo yaf'aloon
Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.