Dhammaan suuradaha

Suurad 82

The Cleaving

سُورَةُ الانفِطَارِ

Al-Infitaar · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتْ

    Turjubaanka: Izas samaaa'un fatarat

    Markay Samadu Dildillaacdo.

  2. 2

    وَإِذَا ٱلْكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتْ

    Turjubaanka: Wa izal kawaakibun tasarat

    Xiddiguhuna daataan.

  3. 3

    وَإِذَا ٱلْبِحَارُ فُجِّرَتْ

    Turjubaanka: Wa izal bihaaru fujjirat

    Badahana laysku furo.

  4. 4

    وَإِذَا ٱلْقُبُورُ بُعْثِرَتْ

    Turjubaanka: Wa izal qubooru bu'sirat

    Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).

  5. 5

    عَلِمَتْ نَفْسٌۭ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ

    Turjubaanka: 'Alimat nafsum maa qaddamat wa akhkharat

    Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.

  6. 6

    يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلْكَرِيمِ

    Turjubaanka: Yaaa ayyuhal insaaanu maa gharraka bi Rabbikal kareem

    Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.

  7. 7

    ٱلَّذِى خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ

    Turjubaanka: Allazee khalaqaka fasaw waaka fa'adalak

    Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.

  8. 8

    فِىٓ أَىِّ صُورَةٍۢ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ

    Turjubaanka: Feee ayye sooratim maa shaaa'a rakkabak

    Siduu doonana kuu sameeyey.

  9. 9

    كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ

    Turjubaanka: Kalla bal tukazziboona bid deen

    Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.

  10. 10

    وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَٰفِظِينَ

    Turjubaanka: Wa inna 'alaikum lahaa fizeen

    Malaa'ig baana idin ilaalinaysa.

  11. 11

    كِرَامًۭا كَٰتِبِينَ

    Turjubaanka: Kiraaman kaatibeen

    Oo sharaf leh waxna qori.

  12. 12

    يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ

    Turjubaanka: Ya'lamoona ma taf'aloon

    Ogna waxaad falaysaan.

  13. 13

    إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍۢ

    Turjubaanka: Innal abraara lafee na'eem

    Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.

  14. 14

    وَإِنَّ ٱلْفُجَّارَ لَفِى جَحِيمٍۢ

    Turjubaanka: Wa innal fujjaara lafee jaheem

    Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.

  15. 15

    يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ ٱلدِّينِ

    Turjubaanka: Yaslawnahaa Yawmad Deen

    Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.

  16. 16

    وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَآئِبِينَ

    Turjubaanka: Wa maa hum 'anhaa bighaaa 'ibeen

    Kamana maqnaadaan Naarta.

  17. 17

    وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ

    Turjubaanka: Wa maaa adraaka maa Yawmud Deen

    Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.

  18. 18

    ثُمَّ مَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ

    Turjubaanka: Summa maaa adraaka maa Yawmud Deen

    Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.

  19. 19

    يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌۭ لِّنَفْسٍۢ شَيْـًۭٔا ۖ وَٱلْأَمْرُ يَوْمَئِذٍۢ لِّلَّهِ

    Turjubaanka: Yawma laa tamliku nafsul linafsin shai'anw walamru yawma'izil lillaah

    Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.

The Cleaving — Islam Word