Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِذَا ٱلشَّمْسُ كُوِّرَتْ
Turjubaanka: Izash shamsu kuwwirat
Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).
- 2
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتْ
Turjubaanka: Wa izan nujoomun kadarat
Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).
- 3
وَإِذَا ٱلْجِبَالُ سُيِّرَتْ
Turjubaanka: Wa izal jibaalu suyyirat
Buurahana la kexeeyo (La rujiyo).
- 4
وَإِذَا ٱلْعِشَارُ عُطِّلَتْ
Turjubaanka: Wa izal 'ishaaru 'uttilat
Geelii rimmanaana la halleeyo.
- 5
وَإِذَا ٱلْوُحُوشُ حُشِرَتْ
Turjubaanka: Wa izal wuhooshu hushirat
Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).
- 6
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ سُجِّرَتْ
Turjubaanka: Wa izal bihaaru sujjirat
Badahana la kululeeyo.
- 7
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتْ
Turjubaanka: Wa izan nufoosu zuwwijat
Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.
- 8
وَإِذَا ٱلْمَوْءُۥدَةُ سُئِلَتْ
Turjubaanka: Wa izal maw'oodatu su'ilat
Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.
- 9
بِأَىِّ ذَنۢبٍۢ قُتِلَتْ
Turjubaanka: Bi ayyi zambin qutilat
Maxaa dambi ah oo loo dilay.
- 10
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتْ
Turjubaanka: Wa izas suhufu nushirat
Kutubta (camalkana) la fidiyo.
- 11
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتْ
Turjubaanka: Wa izas samaaa'u kushitat
Samadana la rujiyo.
- 12
وَإِذَا ٱلْجَحِيمُ سُعِّرَتْ
Turjubaanka: Wa izal jaheemu su'-'irat
Naarta Jaxiimana la huriyo.
- 13
وَإِذَا ٱلْجَنَّةُ أُزْلِفَتْ
Turjubaanka: Wa izal jannatu uzlifat
Jannadana la dhaweeyo.
- 14
عَلِمَتْ نَفْسٌۭ مَّآ أَحْضَرَتْ
Turjubaanka: 'Alimat nafsum maaa ahdarat
Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.
- 15
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلْخُنَّسِ
Turjubaanka: Falaaa uqsimu bil khunnas
Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).
- 16
ٱلْجَوَارِ ٱلْكُنَّسِ
Turjubaanka: Al jawaaril kunnas
Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.
- 17
وَٱلَّيْلِ إِذَا عَسْعَسَ
Turjubaanka: Wallaili izaa 'as'as
Iyo Habecnku markuu jeedsado.
- 18
وَٱلصُّبْحِ إِذَا تَنَفَّسَ
Turjubaanka: Wassubhi izaa tanaffas
Iyo subaxu markuu soo qaabilo.
- 19
إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍۢ كَرِيمٍۢ
Turjubaanka: Innahoo laqawlu rasoolin kareem
Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.
- 20
ذِى قُوَّةٍ عِندَ ذِى ٱلْعَرْشِ مَكِينٍۢ
Turjubaanka: Zee quwwatin 'inda zil 'arshi makeen
Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.
- 21
مُّطَاعٍۢ ثَمَّ أَمِينٍۢ
Turjubaanka: Mutaa'in samma ameen
Laguna addeeco halkaas aaminna ah.
- 22
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجْنُونٍۢ
Turjubaanka: Wa maa saahibukum bimajnoon
Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.
- 23
وَلَقَدْ رَءَاهُ بِٱلْأُفُقِ ٱلْمُبِينِ
Turjubaanka: Wa laqad ra aahu bilufuqil mubeen
Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).
- 24
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلْغَيْبِ بِضَنِينٍۢ
Turjubaanka: Wa maa huwa 'alal ghaibi bidaneen
Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.
- 25
وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَيْطَٰنٍۢ رَّجِيمٍۢ
Turjubaanka: Wa maa huwa biqawli shaitaanir rajeem
Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.
- 26
فَأَيْنَ تَذْهَبُونَ
Turjubaanka: Fa ayna tazhaboon
Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan.
- 27
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌۭ لِّلْعَٰلَمِينَ
Turjubaanka: In huwa illaa zikrul lil'aalameen
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).
- 28
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَسْتَقِيمَ
Turjubaanka: Liman shaaa'a minkum ai yastaqeem
Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).
- 29
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Turjubaanka: Wa maa tashaaa'oona illaaa ai yashaaa 'al laahu Rabbul 'Aalameen
Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.