Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
Turjubaanka: 'Abasa wa tawallaa.
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
- 2
أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ
Turjubaanka: An jaa-ahul 'a-maa
Inuu u yimid kii Indhaha la'aa.
- 3
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
Turjubaanka: Wa maa yudreeka la'allahu yaz zakkaa.
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.
- 4
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ
Turjubaanka: Au yaz zak karu fatanfa 'ahuz zikraa.
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
- 5
أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ
Turjubaanka: Amma manis taghnaa
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
- 6
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
Turjubaanka: Fa-anta lahu tasaddaa
Ma; Adaa u bambixi.
- 7
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
Turjubaanka: Wa ma 'alaika allaa yaz zakka.
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
- 8
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ
Turjubaanka: Wa amma man jaa-aka yas'a
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
- 9
وَهُوَ يَخْشَىٰ
Turjubaanka: Wahuwa yakhshaa,
Oo Eeba ka yaabi.
- 10
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ
Turjubaanka: Fa-anta 'anhu talah haa.
Miyaad ka shuqloomi.
- 11
كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌۭ
Turjubaanka: Kalla innaha tazkirah
Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano.
- 12
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
Turjubaanka: Faman shaa a zakarah
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
- 13
فِى صُحُفٍۢ مُّكَرَّمَةٍۢ
Turjubaanka: Fi suhufim mukar rama,
Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.
- 14
مَّرْفُوعَةٍۢ مُّطَهَّرَةٍۭ
Turjubaanka: Marfoo'atim mutah hara,
Oo la kor yeelay lana Daahiriyay.
- 15
بِأَيْدِى سَفَرَةٍۢ
Turjubaanka: Bi'aidee safara
Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta).
- 16
كِرَامٍۭ بَرَرَةٍۢ
Turjubaanka: Kiraamim bararah.
Sharafna leh oo baarri ah.
- 17
قُتِلَ ٱلْإِنسَٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ
Turjubaanka: Qutilal-insanu maa akfarah.
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.
- 18
مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ
Turjubaanka: Min aiyyi shai-in Khalaq
Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas.
- 19
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
Turjubaanka: Min nutfah; khalaqahu faqad-darah.
Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
- 20
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
Turjubaanka: Thummas sabeela yas-sarah
Jidkana wuu u fudaydiyay.
- 21
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقْبَرَهُۥ
Turjubaanka: Thumma amatahu fa-aqbarah
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.
- 22
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ
Turjubaanka: Thumma iza shaa-a ansharah
Markuu doonana wuu soo bixin.
- 23
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَآ أَمَرَهُۥ
Turjubaanka: Kalla lamma yaqdi maa amarah.
Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.
- 24
فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ
Turjubaanka: Falyanzuril insanu ilaa ta-amih
Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa.
- 25
أَنَّا صَبَبْنَا ٱلْمَآءَ صَبًّۭا
Turjubaanka: Anna sabab nalmaa-a sabba.
Inaan Roob ku soo shubno.
- 26
ثُمَّ شَقَقْنَا ٱلْأَرْضَ شَقًّۭا
Turjubaanka: Thumma sha qaqnal-arda shaqqa.
Dhulkana markaas aan jeexno.
- 27
فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا حَبًّۭا
Turjubaanka: Fa ambatna feeha habba
Kana soo bixinno Midho.
- 28
وَعِنَبًۭا وَقَضْبًۭا
Turjubaanka: Wa 'inabaw-wa qadba
Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
- 29
وَزَيْتُونًۭا وَنَخْلًۭا
Turjubaanka: Wa zaitoonaw wanakh la'
Iyo Zeytuun iyo Timir.
- 30
وَحَدَآئِقَ غُلْبًۭا
Turjubaanka: Wa hadaa-iqa ghulba
Iyo Beerow waawayn.
- 31
وَفَٰكِهَةًۭ وَأَبًّۭا
Turjubaanka: Wa faki hataw-wa abba.
Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.
- 32
مَّتَٰعًۭا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ
Turjubaanka: Mata'al-lakum wa li-an'amikum.
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
- 33
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ
Turjubaanka: Faiza jaa-atis saakhah.
Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).
- 34
يَوْمَ يَفِرُّ ٱلْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ
Turjubaanka: Yauma yafir-rul mar-u min akheeh
Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.
- 35
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ
Turjubaanka: Wa ummihee wa abeeh
Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.
- 36
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ
Turjubaanka: Wa sahi batihee wa baneeh.
Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.
- 37
لِكُلِّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍۢ شَأْنٌۭ يُغْنِيهِ
Turjubaanka: Likul limri-im-minuhm yaumaa-izin shaa nuy-yughneeh
Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
- 38
وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ مُّسْفِرَةٌۭ
Turjubaanka: Wujoo huny-yauma-izim-musfira;
Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).
- 39
ضَاحِكَةٌۭ مُّسْتَبْشِرَةٌۭ
Turjubaanka: Dahi katum mustab shirah
Wayna Qosli oy bishaaraysan.
- 40
وَوُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌۭ
Turjubaanka: Wa wujoohuy yauma-izin 'alaiha ghabar a
Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.
- 41
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ
Turjubaanka: Tarhaquha qatarah.
Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin).
- 42
أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَفَرَةُ ٱلْفَجَرَةُ
Turjubaanka: Ulaa-ika humul-kafa ratul-fajarah.
Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.