Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرْقًۭا
Turjubaanka: Wan naazi 'aati gharqa
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
- 2
وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشْطًۭا
Turjubaanka: Wan naa shi taati nashta
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).
- 3
وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبْحًۭا
Turjubaanka: Wass saabi-haati sabha
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).
- 4
فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبْقًۭا
Turjubaanka: Fass saabi qaati sabqa
Iyo tan u orotanta wanaagga.
- 5
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًۭا
Turjubaanka: Fal mu dab-bi raati amra
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).
- 6
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
Turjubaanka: Yawma tarjufur raajifa
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).
- 7
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
Turjubaanka: Tatba'u har raadifa
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).
- 8
قُلُوبٌۭ يَوْمَئِذٍۢ وَاجِفَةٌ
Turjubaanka: Quloobuny-yau maaiziw-waaji-fa
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.
- 9
أَبْصَٰرُهَا خَٰشِعَةٌۭ
Turjubaanka: Absaa ruhaa khashi'ah
Araggeeduna wuu dullaysnaan.
- 10
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
Turjubaanka: Ya qoo loona a-inna lamar doo doona fil haafirah
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).
- 11
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمًۭا نَّخِرَةًۭ
Turjubaanka: Aizaa kunna 'izaa man-nakhirah
Markaan noqonno Lafo duugoobay.
- 12
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًۭا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌۭ
Turjubaanka: Qaalu tilka izan karratun khaasirah.
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
- 13
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌۭ وَٰحِدَةٌۭ
Turjubaanka: Fa inna ma hiya zajratuw-waahida
Waa uun Hal Qaylo kaliya.
- 14
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
Turjubaanka: Faizaa hum biss saahirah
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.
- 15
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Turjubaanka: Hal ataaka hadeethu Musaa
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
- 16
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
Turjubaanka: Iz nadaahu rabbuhu bil waadil-muqad dasi tuwa
Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
- 17
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
Turjubaanka: Izhab ilaa fir'auna innahu taghaa.
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
- 18
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
Turjubaanka: Faqul hal laka ilaa-an tazakka.
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
- 19
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
Turjubaanka: Wa ahdi yaka ila rabbika fatakh sha
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
- 20
فَأَرَىٰهُ ٱلْءَايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
Turjubaanka: Fa araahul-aayatal kubra.
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
- 21
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
Turjubaanka: Fa kazzaba wa asaa.
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
- 22
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
Turjubaanka: Thumma adbara yas'aa.
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
- 23
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
Turjubaanka: Fa hashara fanada.
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
- 24
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
Turjubaanka: Faqala ana rabbu kumul-a'laa.
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
- 25
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْءَاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
Turjubaanka: Fa-akha zahul laahu nakalal aakhirati wal-oola.
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
- 26
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةًۭ لِّمَن يَخْشَىٰٓ
Turjubaanka: Inna fee zaalika la'ibratal limaiy-yaksha
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
- 27
ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ ۚ بَنَىٰهَا
Turjubaanka: A-antum a shaddu khalqan amis samaa-u banaaha.
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
- 28
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
Turjubaanka: Raf'a sam kaha fasaw waaha
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
- 29
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
Turjubaanka: Wa aghtasha lailaha wa akhraja duhaaha.
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
- 30
وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
Turjubaanka: Wal arda b'ada zaalika dahaaha.
Dhulkana markaas ka dib fidiyay.
- 31
أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
Turjubaanka: Akhraja minha maa-aha wa mar 'aaha.
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
- 32
وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
Turjubaanka: Wal jibala arsaaha.
Buurahana sugay.
- 33
مَتَٰعًۭا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ
Turjubaanka: Mataa'al lakum wali an 'aamikum.
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
- 34
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
Turjubaanka: Fa-izaa jaaa'atit taaam matul kubraa.
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
- 35
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَٰنُ مَا سَعَىٰ
Turjubaanka: Yauma Yata zakkarul insaanu ma sa'aa.
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
- 36
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
Turjubaanka: Wa burrizatil-jaheemu limany-yaraa.
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
- 37
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
Turjubaanka: Fa ammaa man taghaa.
Ruuxiise xadgudba.
- 38
وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Turjubaanka: Wa aasaral hayaatad dunyaa
Nolosha Adduunyana doorta.
- 39
فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Turjubaanka: Fa innal jaheema hiyal maawaa.
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
- 40
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
Turjubaanka: Wa ammaa man khaafa maqaama Rabbihee wa nahan nafsa 'anil hawaa
Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
- 41
فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Turjubaanka: Fa innal jannata hiyal maawaa
Wuxuu u dheelman Janno.
- 42
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
Turjubaanka: Yas'aloonaka 'anis saa'ati ayyaana mursaahaa
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
- 43
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
Turjubaanka: Feema anta min zikraahaa
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
- 44
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
Turjubaanka: Ilaa Rabbika muntahaa haa
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
- 45
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
Turjubaanka: Innamaaa anta munziru maiy yakshaahaa
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
- 46
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
Turjubaanka: Ka annahum Yawma yarawnahaa lam yalbasooo illaa 'ashiyyatan aw duhaahaa
Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.