Dhammaan suuradaha

Suurad 78

The Tidings

سُورَةُ النَّبَإِ

An-Naba · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ

    Turjubaanka: 'Amma Yatasaa-aloon

    Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu).

  2. 2

    عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ

    Turjubaanka: 'Anin-nabaa-il 'azeem

    Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).

  3. 3

    ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ

    Turjubaanka: Allazi hum feehi mukh talifoon

    Ay isku diiddanaayeen.

  4. 4

    كَلَّا سَيَعْلَمُونَ

    Turjubaanka: Kallaa sa y'alamoon

    Saas ma aha ee way ogaan donaan.

  5. 5

    ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ

    Turjubaanka: Thumma kallaa sa y'alamoon

    Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).

  6. 6

    أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَٰدًۭا

    Turjubaanka: Alam naj'alil arda mihaa da

    Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.

  7. 7

    وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًۭا

    Turjubaanka: Wal jibaala au taada

    Buurahana Rukummo (ka yeelin).

  8. 8

    وَخَلَقْنَٰكُمْ أَزْوَٰجًۭا

    Turjubaanka: Wa khalaq naakum azwaaja

    Miyannaan idinka Abuurina Noocyo.

  9. 9

    وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًۭا

    Turjubaanka: Waja'alnan naumakum subata

    Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.

  10. 10

    وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًۭا

    Turjubaanka: Waja'alnal laila libasa

    Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.

  11. 11

    وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًۭا

    Turjubaanka: Waja'alnan nahara ma 'aasha

    Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.

  12. 12

    وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًۭا شِدَادًۭا

    Turjubaanka: Wa banaina fauqakum sab 'an shi daada

    Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.

  13. 13

    وَجَعَلْنَا سِرَاجًۭا وَهَّاجًۭا

    Turjubaanka: Waja'alna siraajaw wah haaja

    Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).

  14. 14

    وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءًۭ ثَجَّاجًۭا

    Turjubaanka: Wa anzalna minal m'usiraati maa-an saj-jaaja

    Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.

  15. 15

    لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّۭا وَنَبَاتًۭا

    Turjubaanka: Linukh rija bihee habbaw wana baata

    Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.

  16. 16

    وَجَنَّٰتٍ أَلْفَافًا

    Turjubaanka: Wa jan naatin alfafa

    Iyo Beero kulansan (badan).

  17. 17

    إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَٰتًۭا

    Turjubaanka: Inna yaumal-fasli kana miqaata

    Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an.

  18. 18

    يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًۭا

    Turjubaanka: Yauma yun fakhu fis-soori fataa toona afwaaja

    Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.

  19. 19

    وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًۭا

    Turjubaanka: Wa futiha tis samaa-u fakaanat abwaaba

    Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.

  20. 20

    وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا

    Turjubaanka: Wa suyyi raatil jibaalu fa kaanat saraaba

    Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.

  21. 21

    إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًۭا

    Turjubaanka: Inna jahan nama kaanat mirsaada

    Naarta Jahannamana waxay u darbantahay.

  22. 22

    لِّلطَّٰغِينَ مَـَٔابًۭا

    Turjubaanka: Lit taa gheena ma aaba

    (Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.

  23. 23

    لَّٰبِثِينَ فِيهَآ أَحْقَابًۭا

    Turjubaanka: Laa bitheena feehaa ahqaaba

    Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.

  24. 24

    لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًۭا وَلَا شَرَابًا

    Turjubaanka: Laa ya zooqoona feeha bar daw walaa sharaaba

    Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.

  25. 25

    إِلَّا حَمِيمًۭا وَغَسَّاقًۭا

    Turjubaanka: Illa hamee maw-wa ghas saaqa

    Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).

  26. 26

    جَزَآءًۭ وِفَاقًا

    Turjubaanka: Jazaa-aw wi faaqa

    Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.

  27. 27

    إِنَّهُمْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ حِسَابًۭا

    Turjubaanka: Innahum kaanu laa yarjoona hisaaba

    Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.

  28. 28

    وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا كِذَّابًۭا

    Turjubaanka: Wa kazzabu bi aayaa tina kizzaba

    Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga.

  29. 29

    وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ كِتَٰبًۭا

    Turjubaanka: Wa kulla shai-in ahsai naahu kitaa ba

    Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.

  30. 30

    فَذُوقُوا۟ فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا

    Turjubaanka: Fa zooqoo falan-nazee dakum ill-laa azaaba

    Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.

  31. 31

    إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا

    Turjubaanka: Inna lil mutta qeena mafaaza

    Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.

  32. 32

    حَدَآئِقَ وَأَعْنَٰبًۭا

    Turjubaanka: Hadaa-iqa wa a'anaa ba

    Beero iyo Cinabyana way heli.

  33. 33

    وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًۭا

    Turjubaanka: Wa kaawa 'iba at raaba

    Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg.

  34. 34

    وَكَأْسًۭا دِهَاقًۭا

    Turjubaanka: Wa ka'san di haaqa

    Waxayna heli Cabbid wanaagsan.

  35. 35

    لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًۭا وَلَا كِذَّٰبًۭا

    Turjubaanka: Laa yasma'oona fiha lagh waw walaa kizzaba

    Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna.

  36. 36

    جَزَآءًۭ مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابًۭا

    Turjubaanka: Jazaa-am mir-rabbika ataa-an hisaaba

    Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.

  37. 37

    رَّبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلرَّحْمَٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًۭا

    Turjubaanka: Rabbis samaa waati wal ardi wa maa baina humar rahmaani laa yam likoona minhu khi taaba

    Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).

  38. 38

    يَوْمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ صَفًّۭا ۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًۭا

    Turjubaanka: Yauma yaqoo mur roohu wal malaa-ikatu saf-fal laa yata kalla moona illa man azina lahur rahmaanu wa qaala sawaaba

    Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.

  39. 39

    ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلْحَقُّ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا

    Turjubaanka: Zaalikal yaumul haqqu faman shaa-at ta khaaza ill-laa rabbihi ma-aaba

    Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.

  40. 40

    إِنَّآ أَنذَرْنَٰكُمْ عَذَابًۭا قَرِيبًۭا يَوْمَ يَنظُرُ ٱلْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلْكَافِرُ يَٰلَيْتَنِى كُنتُ تُرَٰبًۢا

    Turjubaanka: In naa anzar naakum azaaban qareebaiy-yauma yan zurul marr-u maa qaddamat yadaahu wa ya qoolul-kaafiru yaa lai tanee kuntu turaaba

    Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.