Dhammaan suuradaha

Suurad 76

The Man

سُورَةُ الإِنسَانِ

Al-Insaan · Madiina

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ هَلْ أَتَىٰ عَلَى ٱلْإِنسَٰنِ حِينٌۭ مِّنَ ٱلدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْـًۭٔا مَّذْكُورًا

    Turjubaanka: Hal ataa 'alal insaani heenum minad dahri lam yakun shai'am mazkooraa

    Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).

  2. 2

    إِنَّا خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍۢ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَٰهُ سَمِيعًۢا بَصِيرًا

    Turjubaanka: Innaa khalaqnal insaana min nutfatin amshaajin nabta leehi faja'alnaahu samee'am baseeraa

    Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.

  3. 3

    إِنَّا هَدَيْنَٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًۭا وَإِمَّا كَفُورًا

    Turjubaanka: Innaa hadainaahus sabeela immaa shaakiranw wa immaa kafoora

    Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.

  4. 4

    إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلْكَٰفِرِينَ سَلَٰسِلَا۟ وَأَغْلَٰلًۭا وَسَعِيرًا

    Turjubaanka: Innaaa a'tadnaa lilkaa fireena salaasila wa aghlaalanw wa sa'eeraa

    Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.

  5. 5

    إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍۢ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا

    Turjubaanka: innal abraara yashra boona min kaasin kaana mizaa juhaa kaafooraa

    kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.

  6. 6

    عَيْنًۭا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًۭا

    Turjubaanka: 'Aynany yashrabu bihaa 'ibaadul laahi yafajjiroonahaa tafjeeraa

    Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,

  7. 7

    يُوفُونَ بِٱلنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًۭا كَانَ شَرُّهُۥ مُسْتَطِيرًۭا

    Turjubaanka: Yoofoona binnazri wa yakhaafoona yawman kaana sharruhoo mustateeraa

    Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).

  8. 8

    وَيُطْعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسْكِينًۭا وَيَتِيمًۭا وَأَسِيرًا

    Turjubaanka: Wa yut''imoonat ta'aama 'alaa hubbihee miskeenanw wa yatemanw wa aseeraa

    Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).

  9. 9

    إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَآءًۭ وَلَا شُكُورًا

    Turjubaanka: Innaamaa nut'imukum li wajhil laahi laa nureedu minkum jazaaa'anw wa laa shukooraa

    Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.

  10. 10

    إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًۭا قَمْطَرِيرًۭا

    Turjubaanka: Innaa nakhaafu mir Rabbinna Yawman 'aboosan qamtareeraa

    Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.

  11. 11

    فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمِ وَلَقَّىٰهُمْ نَضْرَةًۭ وَسُرُورًۭا

    Turjubaanka: Fa waqaahumul laahu sharra zaalikal yawmi wa laqqaahum nadratanw wa surooraa

    Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.

  12. 12

    وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُوا۟ جَنَّةًۭ وَحَرِيرًۭا

    Turjubaanka: Wa jazaahum bimaa sabaroo janatanw wa hareeraa

    Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.

  13. 13

    مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ ۖ لَا يَرَوْنَ فِيهَا شَمْسًۭا وَلَا زَمْهَرِيرًۭا

    Turjubaanka: muttaki'eena feeha 'alal araaa 'iki laa yarawna feehaa shamsanw wa laa zamhareeraa

    Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.

  14. 14

    وَدَانِيَةً عَلَيْهِمْ ظِلَٰلُهَا وَذُلِّلَتْ قُطُوفُهَا تَذْلِيلًۭا

    Turjubaanka: Wa daaniyatan 'alaihim zilaaluhaa wa zullilat qutoofu haa tazleela

    Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.

  15. 15

    وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِـَٔانِيَةٍۢ مِّن فِضَّةٍۢ وَأَكْوَابٍۢ كَانَتْ قَوَارِيرَا۠

    Turjubaanka: Wa yutaafu 'alaihim bi aaniyatim min fiddatinw wa akwaabin kaanat qawaareeraa

    Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.

  16. 16

    قَوَارِيرَا۟ مِن فِضَّةٍۢ قَدَّرُوهَا تَقْدِيرًۭا

    Turjubaanka: Qawaareera min fiddatin qaddaroohaa taqdeeraa

    Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.

  17. 17

    وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًۭا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا

    Turjubaanka: Wa yusawna feehaa kaasan kaana mizaajuhaa zanjabeelaa

    Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.

  18. 18

    عَيْنًۭا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلْسَبِيلًۭا

    Turjubaanka: 'Aynan feeha tusammaa salsabeelaa

    Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).

  19. 19

    ۞ وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌۭ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيْتَهُمْ حَسِبْتَهُمْ لُؤْلُؤًۭا مَّنثُورًۭا

    Turjubaanka: Wa yatoofu 'alaihim wildaanum mukhalladoona izaa ra aytahum hasibtahum lu'lu 'am mansoora

    Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.

  20. 20

    وَإِذَا رَأَيْتَ ثَمَّ رَأَيْتَ نَعِيمًۭا وَمُلْكًۭا كَبِيرًا

    Turjubaanka: Wa izaa ra ayta summa ra ayta na'eemanw wa mulkan kabeera

    Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.

  21. 21

    عَٰلِيَهُمْ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضْرٌۭ وَإِسْتَبْرَقٌۭ ۖ وَحُلُّوٓا۟ أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٍۢ وَسَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ شَرَابًۭا طَهُورًا

    Turjubaanka: 'Aaliyahum siyaabu sundusin khudrunw wa istabraq, wa hullooo asaawira min fiddatinw wa saqaahum Rabbuhum sharaaban tahooraa

    Dharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.

  22. 22

    إِنَّ هَٰذَا كَانَ لَكُمْ جَزَآءًۭ وَكَانَ سَعْيُكُم مَّشْكُورًا

    Turjubaanka: Innaa haazaa kaana lakum jazz 'anw wa kaana sa'yukum mashkooraa

    Kaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.

  23. 23

    إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ تَنزِيلًۭا

    Turjubaanka: Innaa nahnu nazzalnaa 'alaikal quraana tanzeelaa

    Annagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.

  24. 24

    فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعْ مِنْهُمْ ءَاثِمًا أَوْ كَفُورًۭا

    Turjubaanka: Fasbir lihukmi Rabbika wa laa tuti' minhum aasiman aw kafooraa

    Ee ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).

  25. 25

    وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ بُكْرَةًۭ وَأَصِيلًۭا

    Turjubaanka: Wazkuris ma Rabbika bukratanw wa aseelaa

    Xus magaca Eebe subax iyo Galabba.

  26. 26

    وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَٱسْجُدْ لَهُۥ وَسَبِّحْهُ لَيْلًۭا طَوِيلًا

    Turjubaanka: Wa minal laili fasjud lahoo wa sabbihhu lailan taweelaa

    Habeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.

  27. 27

    إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ يُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَآءَهُمْ يَوْمًۭا ثَقِيلًۭا

    Turjubaanka: Inna haaa'ulaa'i yuhibboona 'aajilata wa yazaroona waraaa'ahum yawman saqeelaa

    Kuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).

  28. 28

    نَّحْنُ خَلَقْنَٰهُمْ وَشَدَدْنَآ أَسْرَهُمْ ۖ وَإِذَا شِئْنَا بَدَّلْنَآ أَمْثَٰلَهُمْ تَبْدِيلًا

    Turjubaanka: Nahnu khalaqnaahum wa shadadnaaa asrahum wa izaa shi'naa baddalnaaa amsaala hum tabdeelaa

    Annagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.

  29. 29

    إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌۭ ۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًۭا

    Turjubaanka: Inna haazihee tazkiratun fa man shaaa'at takhaza ilaa rabbihee sabeela

    Suuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.

  30. 30

    وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًۭا

    Turjubaanka: Wa maa tashaaa'oona illaa anyyashaaa'al laah; innal laahaa kaana'Aleeman Hakeema

    Waxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.

  31. 31

    يُدْخِلُ مَن يَشَآءُ فِى رَحْمَتِهِۦ ۚ وَٱلظَّٰلِمِينَ أَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًۢا

    Turjubaanka: Yudkhilu mai yashaaa'u fee rahmatih; wazzaalimeena a'adda lahum 'azaaban aleemaa

    Wuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.

The Man — Islam Word