Dhammaan suuradaha

Suurad 75

The Resurrection

سُورَةُ القِيَامَةِ

Al-Qiyaama · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ

    Turjubaanka: Laaa uqsimu bi yawmil qiyaamah

    Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.

  2. 2

    وَلَآ أُقْسِمُ بِٱلنَّفْسِ ٱللَّوَّامَةِ

    Turjubaanka: Wa laaa uqsimu bin nafsil lawwaamah

    Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).

  3. 3

    أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُۥ

    Turjubaanka: Ayahsabul insaanu al lan najm'a 'izaamah

    Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.

  4. 4

    بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُۥ

    Turjubaanka: Balaa qaadireena 'alaaa an nusawwiya banaanah

    Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.

  5. 5

    بَلْ يُرِيدُ ٱلْإِنسَٰنُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُۥ

    Turjubaanka: Bal yureedul insaanu liyafjura amaamah

    Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.

  6. 6

    يَسْـَٔلُ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلْقِيَٰمَةِ

    Turjubaanka: Yas'alu ayyyaana yawmul qiyaamah

    Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.

  7. 7

    فَإِذَا بَرِقَ ٱلْبَصَرُ

    Turjubaanka: Fa izaa bariqal basar

    Markase Araggu Wareero (Taagmo).

  8. 8

    وَخَسَفَ ٱلْقَمَرُ

    Turjubaanka: We khasafal qamar

    Dayuxuna Madoobaado.

  9. 9

    وَجُمِعَ ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ

    Turjubaanka: Wa jumi'ash shamusu wal qamar

    Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.

  10. 10

    يَقُولُ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ ٱلْمَفَرُّ

    Turjubaanka: Yaqoolul insaanu yaw ma 'izin aynal mafarr

    Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.

  11. 11

    كَلَّا لَا وَزَرَ

    Turjubaanka: Kallaa laa wazar

    Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).

  12. 12

    إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمُسْتَقَرُّ

    Turjubaanka: Ilaa rabbika yawma 'izinil mustaqarr

    Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.

  13. 13

    يُنَبَّؤُا۟ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ

    Turjubaanka: Yunabba 'ul insaanu yawma 'izim bimaa qaddama wa akhkhar

    Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.

  14. 14

    بَلِ ٱلْإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ بَصِيرَةٌۭ

    Turjubaanka: Balil insaanu 'alaa nafsihee baseerah

    Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.

  15. 15

    وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ

    Turjubaanka: Wa law alqaa ma'aazeerah

    Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).

  16. 16

    لَا تُحَرِّكْ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِۦٓ

    Turjubaanka: Laa tuharrik bihee lisaa naka lita'jala bih

    Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).

  17. 17

    إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُۥ وَقُرْءَانَهُۥ

    Turjubaanka: Inna 'alainaa jam'ahoo wa qur aanah

    Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.

  18. 18

    فَإِذَا قَرَأْنَٰهُ فَٱتَّبِعْ قُرْءَانَهُۥ

    Turjubaanka: Fa izaa qaraanaahu fattabi' qur aanah

    Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.

  19. 19

    ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُۥ

    Turjubaanka: Summa inna 'alainaa bayaanah

    Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.

  20. 20

    كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ

    Turjubaanka: Kallaa bal tuhibboonal 'aajilah

    saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).

  21. 21

    وَتَذَرُونَ ٱلْءَاخِرَةَ

    Turjubaanka: Wa tazaroonal Aakhirah

    Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.

  22. 22

    وُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۢ نَّاضِرَةٌ

    Turjubaanka: Wujoohuny yawma 'izin naadirah

    Wajiyaal Maalintaas way ifi.

  23. 23

    إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌۭ

    Turjubaanka: Ilaa rabbihaa naazirah

    Eebeheedna way Eegi.

  24. 24

    وَوُجُوهٌۭ يَوْمَئِذٍۭ بَاسِرَةٌۭ

    Turjubaanka: Wa wujoohuny yawma 'izim baasirah

    Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.

  25. 25

    تَظُنُّ أَن يُفْعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌۭ

    Turjubaanka: Tazunnu any yuf'ala bihaa faaqirah

    Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.

  26. 26

    كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِىَ

    Turjubaanka: Kallaaa izaa balaghatit taraaqee

    Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).

  27. 27

    وَقِيلَ مَنْ ۜ رَاقٍۢ

    Turjubaanka: Wa qeela man raaq

    Oo la Dhoho uaa ku tufi.

  28. 28

    وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلْفِرَاقُ

    Turjubaanka: Wa zanna annahul firaaq

    Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.

  29. 29

    وَٱلْتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ

    Turjubaanka: Waltaffatis saaqu bissaaq

    Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).

  30. 30

    إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمَسَاقُ

    Turjubaanka: Ilaa rabbika yawma'izinil masaaq

    Eebahaa Xaggiisaa la aadi.

  31. 31

    فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ

    Turjubaanka: Falaa saddaqa wa laa sallaa

    Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.

  32. 32

    وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

    Turjubaanka: Wa laakin kazzaba wa tawalla

    Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.

  33. 33

    ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ

    Turjubaanka: Summa zahaba ilaaa ahlihee yatamatta

    Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.

  34. 34

    أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ

    Turjubaanka: Awlaa laka fa awlaa

    Halaag Buuse Mutaa.

  35. 35

    ثُمَّ أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰٓ

    Turjubaanka: Summa awlaa laka fa awla

    Haddana Halaagbuu Mutaa.

  36. 36

    أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَن يُتْرَكَ سُدًى

    Turjubaanka: Ayahsabul insaanu anyytraka sudaa

    Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).

  37. 37

    أَلَمْ يَكُ نُطْفَةًۭ مِّن مَّنِىٍّۢ يُمْنَىٰ

    Turjubaanka: Alam yaku nutfatam mim maniyyiny yumnaa

    Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.

  38. 38

    ثُمَّ كَانَ عَلَقَةًۭ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ

    Turjubaanka: Summa kaana 'alaqata fakhalaq fasawwaa

    Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.

  39. 39

    فَجَعَلَ مِنْهُ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ

    Turjubaanka: Faja'ala minhuz zawjayniz zakara wal unsaa

    Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.

  40. 40

    أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْۦِىَ ٱلْمَوْتَىٰ

    Turjubaanka: Alaisa zaalika biqaadirin 'alaaa any yuhyiyal mawtaa

    Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.

The Resurrection — Islam Word