Dhammaan suuradaha

Suurad 70

The Ascending Stairways

سُورَةُ المَعَارِجِ

Al-Ma'aarij · Maka

Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore

Maqal
  1. 1

    بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍۢ وَاقِعٍۢ

    Turjubaanka: Sa ala saaa'ilum bi'azaa binw-waaqi'

    Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).

  2. 2

    لِّلْكَٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌۭ

    Turjubaanka: Lilkaafireen laisa lahoo daafi'

    Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.

  3. 3

    مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ

    Turjubaanka: Minal laahi zil ma'aarij

    Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.

  4. 4

    تَعْرُجُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍۢ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍۢ

    Turjubaanka: Ta'rujul malaaa'ikatu war Roohu ilaihi fee yawmin kaana miqdaaruhoo khamseena alfa sanah

    Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.

  5. 5

    فَٱصْبِرْ صَبْرًۭا جَمِيلًا

    Turjubaanka: Fasbir ssabran jameelaa

    Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.

  6. 6

    إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًۭا

    Turjubaanka: Inaahum yarawnahoo ba'eedaa

    Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.

  7. 7

    وَنَرَىٰهُ قَرِيبًۭا

    Turjubaanka: Wa naraahu qareebaa

    Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.

  8. 8

    يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ

    Turjubaanka: Yawma takoonus samaaa'u kalmuhl

    Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.

  9. 9

    وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ

    Turjubaanka: Wa takoonul jibaalu kal'ihn

    Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.

  10. 10

    وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًۭا

    Turjubaanka: Wa laa yas'alu hameemun hameemaa

    Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.

  11. 11

    يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ

    Turjubaanka: Yubassaroonahum; ya waddul mujrimu law yaftadee min 'azaabi yawma'izim bibaneeh

    Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.

  12. 12

    وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ

    Turjubaanka: Wa saahibatihee wa akheeh

    Haweenaydiisa, Walaalkiis.

  13. 13

    وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ

    Turjubaanka: Wa faseelathil latee tu'weeh

    iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.

  14. 14

    وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًۭا ثُمَّ يُنجِيهِ

    Turjubaanka: Wa man fil ardi jamee'an summa yunjeeh

    iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.

  15. 15

    كَلَّآ ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ

    Turjubaanka: Kallaa innahaa lazaa

    Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).

  16. 16

    نَزَّاعَةًۭ لِّلشَّوَىٰ

    Turjubaanka: Nazzaa'atal lishshawaa

    Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).

  17. 17

    تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ

    Turjubaanka: Tad'oo man adbara wa tawallaa

    Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.

  18. 18

    وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ

    Turjubaanka: W jama'a fa aw'aa

    Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).

  19. 19

    ۞ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا

    Turjubaanka: Innal insaana khuliqa haloo'aa

    Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.

  20. 20

    إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًۭا

    Turjubaanka: Izaa massahush sharru jazoo'aa

    Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.

  21. 21

    وَإِذَا مَسَّهُ ٱلْخَيْرُ مَنُوعًا

    Turjubaanka: Wa izaa massahul khairu manoo'aa

    Hadduu khayr helana wuu reebaa.

  22. 22

    إِلَّا ٱلْمُصَلِّينَ

    Turjubaanka: Illal musalleen

    Marka laga reebo Muslimiinta tukata.

  23. 23

    ٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَآئِمُونَ

    Turjubaanka: Allazeena hum 'alaa Salaatihim daaa'imoon

    Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.

  24. 24

    وَٱلَّذِينَ فِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّۭ مَّعْلُومٌۭ

    Turjubaanka: Wallazeena feee amwaalihim haqqum ma'loom

    Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.

  25. 25

    لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ

    Turjubaanka: Lissaaa 'ili walmahroom

    Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.

  26. 26

    وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ

    Turjubaanka: Wallazeena yusaddiqoona bi yawmid Deen

    Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).

  27. 27

    وَٱلَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ

    Turjubaanka: Wallazeena hum min 'azaabi Rabbihim mushfiqoon

    Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.

  28. 28

    إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍۢ

    Turjubaanka: Inna 'azaaba Rabbihim ghairu maamoon

    Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.

  29. 29

    وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَٰفِظُونَ

    Turjubaanka: Wallazeena hum lifuroo jihim haafizoon

    Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.

  30. 30

    إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ

    Turjubaanka: Illaa 'alaaa azwaajihim aw maa malakat aymaanuhum fainnahum ghairu maloomeen

    30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.

  31. 31

    فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ

    Turjubaanka: Famanib taghaa waraaa'a zaalika fa ulaaa'ika humul 'aadoon

    Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.

  32. 32

    وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَٰنَٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ

    Turjubaanka: Wallazeena hum li amaa naatihim wa 'ahdihim raa'oon

    Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.

  33. 33

    وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمْ قَآئِمُونَ

    Turjubaanka: Wallazeena hum bishahaadaatihim qaaa'imoon

    Kuwa maraggooda si fiican u furay.

  34. 34

    وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ

    Turjubaanka: Wallazeena hum 'alaa salaatihim yuhaafizoon

    Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).

  35. 35

    أُو۟لَٰٓئِكَ فِى جَنَّٰتٍۢ مُّكْرَمُونَ

    Turjubaanka: Ulaaa'ika fee jannaatim mukramoon

    Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.

  36. 36

    فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ

    Turjubaanka: Famaa lil lazeena kafaroo qibalaka muhti'een

    Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).

  37. 37

    عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ

    Turjubaanka: 'Anil yameeni wa 'anish shimaali 'izeen

    Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.

  38. 38

    أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍۢ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍۢ

    Turjubaanka: Ayatma'u kullum ri'im minhum anyyudkhala jannata Na'eem

    Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.

  39. 39

    كَلَّآ ۖ إِنَّا خَلَقْنَٰهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ

    Turjubaanka: Kallaaa innaa khalaq nahum mimmaa ya'lamoon

    Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.

  40. 40

    فَلَآ أُقْسِمُ بِرَبِّ ٱلْمَشَٰرِقِ وَٱلْمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ

    Turjubaanka: Falaaa uqsimu bi Rabbil mashaariqi wal maghaaribi innaa laqaadiroon

    Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.

  41. 41

    عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًۭا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ

    Turjubaanka: 'Alaaa an nubaddila khairam minhum wa maa Nahnu bimasbooqeen

    Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.

  42. 42

    فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ

    Turjubaanka: Fazarhum yakhoodoo wa yal'aboo hattaa yulaaqoo yaw mahumul lazee yoo'adoon

    Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.

  43. 43

    يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ سِرَاعًۭا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍۢ يُوفِضُونَ

    Turjubaanka: Yawma yakhrujoona minal ajdaasi siraa'an ka anna hum ilaa nusubiny yoofidoon

    Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).

  44. 44

    خَٰشِعَةً أَبْصَٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌۭ ۚ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ

    Turjubaanka: Khaashi'atan absaaruhum tarhaquhum zillah; zaalikal yawmul lazee kaanoo yoo'adoon

    Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).

Daabacaadda tarjumaada: so.abduh

Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).

Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.

Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.