Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَ ۖ تَبْتَغِى مَرْضَاتَ أَزْوَٰجِكَ ۚ وَٱللَّهُ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ
Turjubaanka: Yaaa ayyuhan nabiyyu lima tuharrimu maaa ahallal laahu laka tabtaghee mardaata azwaajik; wallaahu ghafoorur raheem
Nibiyow maxaad u xarrimi wax Eebe kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso Haweenkaaga, Eebe waa dambi dhaafe naxariista ah.
- 2
قَدْ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمْ تَحِلَّةَ أَيْمَٰنِكُمْ ۚ وَٱللَّهُ مَوْلَىٰكُمْ ۖ وَهُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ
Turjubaanka: Qad faradal laahu lakum tahillata aymaanikum; wallaahu mawlaakum wa huwal'aleemul hakeem
Eebe waa idiin caddeeyey waxa dhaartiinnu ku xalaaloobi, Eebena waa gargaarihiinna, waana wax walba oge falsan.
- 3
وَإِذْ أَسَرَّ ٱلنَّبِىُّ إِلَىٰ بَعْضِ أَزْوَٰجِهِۦ حَدِيثًۭا فَلَمَّا نَبَّأَتْ بِهِۦ وَأَظْهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيْهِ عَرَّفَ بَعْضَهُۥ وَأَعْرَضَ عَنۢ بَعْضٍۢ ۖ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتْ مَنْ أَنۢبَأَكَ هَٰذَا ۖ قَالَ نَبَّأَنِىَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْخَبِيرُ
Turjubaanka: Wa iz asarran nabiyyu ilaa ba'di azwaajihee hadeesan falammaa nabba at bihee wa azharahul laahu 'alaihi 'arrafa ba'dahoo wa a'rada 'am ba'din falammaa nabba ahaa bihee qaalat man amba aka haaza qaala nabba aniyal 'aleemul khabeer
Ma xusuusan Waqtigii Nabigu ku qarsaday Haweenkiisa Qaarkood hadal, markaas ay ka warrantay xaalkii, Eebana uu Nabiga u daahiriyey, markaas Nabigu uu ogeysiiyey qaarkiis (haweenaydii) qaarna uu ka dhaafay, markuu u warramay ay tiri yaa kuu sheegay xaalkan kuna yiri: waxaa ii warramay Eebaha wax walba oge ah ee yaqaana.
- 4
إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدْ صَغَتْ قُلُوبُكُمَا ۖ وَإِن تَظَٰهَرَا عَلَيْهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوْلَىٰهُ وَجِبْرِيلُ وَصَٰلِحُ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۖ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ بَعْدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ
Turjubaanka: In tatoobaaa ilal laahi faqad saghat quloobukumaa wa in tazaaharaa 'alihi fa innal laaha huwa mawlaahu wa jibreelu wa saalihul mu'mineen; walma laaa'ikatu ba'dazaalika zaheer
Haddaad Eebe u noqotaan inkastoo qalbigiinnu iishay (Eebe wuu idiin dhaafi) haddaadse isu kaalmaysataan Nabiga (dhibkiisa) waxaa u gargaari Eebe, Jibriil iyo kuwa suuban ee Mu'miniinta ah Malaa'igta (kalana) markaas ka dib yey xoojin.
- 5
عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبْدِلَهُۥٓ أَزْوَٰجًا خَيْرًۭا مِّنكُنَّ مُسْلِمَٰتٍۢ مُّؤْمِنَٰتٍۢ قَٰنِتَٰتٍۢ تَٰٓئِبَٰتٍ عَٰبِدَٰتٍۢ سَٰٓئِحَٰتٍۢ ثَيِّبَٰتٍۢ وَأَبْكَارًۭا
Turjubaanka: 'Asaa rabbuhooo in tallaqakunna anyyubdilahooo azwaajan khairam mnkunna muslimaatim mu'minaatin qaanitaatin taaa'ibaatin 'aabidaatin saaa'ihaatin saiyibaatinw wa abkaaraa
Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr roon oo ah Muslimiin, Mu'miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda, Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh.
- 6
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ قُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًۭا وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلَٰٓئِكَةٌ غِلَاظٌۭ شِدَادٌۭ لَّا يَعْصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ
Turjubaanka: Yaaa ayyuhal lazeena samanoo qooo anfusakum wa ahleekum naaranw waqoodu han naasu wal hijaaratu 'alaihaa malaaa'ikatun ghilaazun shidaadul laa ya'soonal laaha maa amarahum wa yaf'aloona maa yu'maroon
Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa'ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amru.
- 7
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَا تَعْتَذِرُوا۟ ٱلْيَوْمَ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Turjubaanka: Yaaa ayyuhal lazeena kafaroo la ta'tazinul yawma innamaa tujzawna maa kuntum ta'maloon
Kuwa Gaaloobow ha cudur daaranina maanta (Qiyaamada) waxaa laydinka abaal marin uun waxaad camal fali jirteen.
- 8
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ تُوبُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ تَوْبَةًۭ نَّصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يُكَفِّرَ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَيُدْخِلَكُمْ جَنَّٰتٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ يَوْمَ لَا يُخْزِى ٱللَّهُ ٱلنَّبِىَّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ ۖ نُورُهُمْ يَسْعَىٰ بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَٰنِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَتْمِمْ لَنَا نُورَنَا وَٱغْفِرْ لَنَآ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍۢ قَدِيرٌۭ
Turjubaanka: Yaaa ayyuhal lazeena aammano toobooo ilal laahi tawbatan nasoohan 'asaa rabbukum any-yukaffira 'ankum sayyi aatikum wa yudkhilakum jannaatin tajree min tahtihal anhaaru yawma laa yukhzil laahun nabiyya wallazeena aamanoo ma'ahoo nooruhum yas'aa baina aydeehim wa bi aymaanihim yaqooloona rabbanaaa atmim lanaa nooranaa waghfir lana innaka 'alaa kulli shai'in qadeer
Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Eebe toobad san, wuxuu Eebe u dhawyahay inuu asturo xumaantiina, idin geliyana Jannooyin ay dureerayso dhexdooda Wabiyaal, Maalinta uusan Eebe hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga, nuurkooduna wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi Eebow noo tam yeel Nuurkanaga noona dambi dhaaf'adaa wax walba karee.
- 9
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ جَٰهِدِ ٱلْكُفَّارَ وَٱلْمُنَٰفِقِينَ وَٱغْلُظْ عَلَيْهِمْ ۚ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Turjubaanka: yaaa ayyuuhan nabiyyu jaahidil kuffaara walmunaa-fiqeena waghluz 'alaihim; wa maawaahum jahannamu wa bi'sal maseer
Nabiyow la jihaad gaalada iyo Munaafiqiinta kuna adkow, hoygooduna waa Jahannamo meel loo ahaadana iyadaa u xune.
- 10
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًۭا لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱمْرَأَتَ نُوحٍۢ وَٱمْرَأَتَ لُوطٍۢ ۖ كَانَتَا تَحْتَ عَبْدَيْنِ مِنْ عِبَادِنَا صَٰلِحَيْنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمْ يُغْنِيَا عَنْهُمَا مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًۭٔا وَقِيلَ ٱدْخُلَا ٱلنَّارَ مَعَ ٱلدَّٰخِلِينَ
Turjubaanka: Darabal laahu masalal lillazeena kafarum ra ata Noobinw wamra ata Loot, kaanataa tahta 'abdaini min 'ibaadinaa saalihaini fakhaanataahumaa falam yughniyaa 'anhumaa minal laahi shai anw-wa qeelad khulan naara ma'ad Daakhileen
Eebe wuxuu tusaale uga dhigay kuwa Gaaloobay Haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luudh, waxa qabay Laba Addoon oo Eebe oo suusuuban, markaasay khiyaameen Nabiyadaas waxbana ugama ayan tarin Eebe agtiis waxaana loo dhihi Labadaas haweenay la gala naarta kuwa gelaya.
- 11
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًۭا لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱمْرَأَتَ فِرْعَوْنَ إِذْ قَالَتْ رَبِّ ٱبْنِ لِى عِندَكَ بَيْتًۭا فِى ٱلْجَنَّةِ وَنَجِّنِى مِن فِرْعَوْنَ وَعَمَلِهِۦ وَنَجِّنِى مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
Turjubaanka: Wa darabal laahu masa lal-lillazeena aamanumra ata Fir'awn; iz qaalat rabbibni lee 'indaka baitan fil jannati wa najjinee min Fir'awna wa 'amalihii wa najjinee minal qawmiz zaalimeen
Waxaa kale oo Eebe Tusaale uga dhigay kuwa rumeeyey Haweenaydii Fircoon markay tidhi Eebbow Guri agtaada iiga dhis jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo Camalkiisa, igana nabad geli dadkaas daaliminta ah.
- 12
وَمَرْيَمَ ٱبْنَتَ عِمْرَٰنَ ٱلَّتِىٓ أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهِ مِن رُّوحِنَا وَصَدَّقَتْ بِكَلِمَٰتِ رَبِّهَا وَكُتُبِهِۦ وَكَانَتْ مِنَ ٱلْقَٰنِتِينَ
Turjubaanka: Wa Maryamab nata 'Imraanal lateee ahsanat farjahaa fanafakhnaa feehi mir roobinaa wa saddaqat bikali maati Rabbihaa wa Kutubihee wakaanat minal qaaniteen
Maryama bintu cimraanna xusuusta ee isdhawrtay, markaas malagu jeebka ka afuufay, rumaysayna Sharciga Eebe iyo Kutubtiisaba, kana mid noqotay kuwa Eebe adeeca.
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.