Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعْمَٰلَهُمْ
Turjubaanka: Allazeena kafaroo wa saddoo'an sabeelil laahi adalla a'maalahum
kuwii Gaaloobay oo jidka Eebana ka leexiyay Dadka Eebe waa buriyay camalkooda.
- 2
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَءَامَنُوا۟ بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٍۢ وَهُوَ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّهِمْ ۙ كَفَّرَ عَنْهُمْ سَيِّـَٔاتِهِمْ وَأَصْلَحَ بَالَهُمْ
Turjubaanka: Wallazeena aamanoo wa 'amilus saalihaati wa aamanoo bimaa nuzzila 'alaa Muhammadinw-wa huwal haqqu mir Rabbihim kaffara 'anhum saiyiaatihim wa aslaha baalahum
kuwa rumeeyay xaqase oo camal fiican falay oo rumeeyay Quraanka lagu soo dajiyay (Nabiga) Muxammad ah ee xaqa ah Eebe wuu astuuri xumaantooda, xaalkoodana wuu wanaajin.
- 3
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱتَّبَعُوا۟ ٱلْبَٰطِلَ وَأَنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّبَعُوا۟ ٱلْحَقَّ مِن رَّبِّهِمْ ۚ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ أَمْثَٰلَهُمْ
Turjubaanka: Zaalika bi annal lazeena kafarut taba'ul baatila wa annal lazeena aamanut taba'ul haqqa mir Rabbihim; kazaalika yadribul laahu linnaasi amsaalahum
saasna waxaa ugu wacan in kuwa Gaaloobayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen Baadhil, kuwa rumeeyayna ay raaceen xaqa Eebe, saasuuna Eebe u yeelaa tusaale.
- 4
فَإِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَضَرْبَ ٱلرِّقَابِ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَثْخَنتُمُوهُمْ فَشُدُّوا۟ ٱلْوَثَاقَ فَإِمَّا مَنًّۢا بَعْدُ وَإِمَّا فِدَآءً حَتَّىٰ تَضَعَ ٱلْحَرْبُ أَوْزَارَهَا ۚ ذَٰلِكَ وَلَوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَٱنتَصَرَ مِنْهُمْ وَلَٰكِن لِّيَبْلُوَا۟ بَعْضَكُم بِبَعْضٍۢ ۗ وَٱلَّذِينَ قُتِلُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَن يُضِلَّ أَعْمَٰلَهُمْ
Turjubaanka: Fa-izaa laqeetumul lazeena kafaroo fadarbar riqaab, hattaaa izaa askhan tumoohum fashuddul wasaaq, fa immaa mannnam ba'du wa immaa fidaaa'an hattaa tada'al harbu awzaarahaa; zaalika wa law yashaaa'ul laahu lantasara minhum wa laakil laiyabluwa ba'dakum biba'd; wallazeena qutiloo fee sabeelil laahi falany yudilla a'maalahum
Haddaad kula kulantaan Gaalada Dagaal Luqunta ka garaaca, markaad sugtaanna ku adkeeya xidhidda, markaas ama iska siidaaya ama haysfurteen, inta Dagaalku ka xasili, xaalku waa saas, hadduu Eebe doonana wuu ka aarsankaraa, hase yeeshee wuxuu saas u falay inuu qaarkiin qaarka kale ku imtixaano, kuwa Jidka Eebe lagu dilana Camalkooda Eebe ma halleeyo.
- 5
سَيَهْدِيهِمْ وَيُصْلِحُ بَالَهُمْ
Turjubaanka: Sa-yahdeehim wa yusihu baalahum
Eebana wuu toosin oo hanuunin kuwaas, wuuna wanaajinn xaalkooda.
- 6
وَيُدْخِلُهُمُ ٱلْجَنَّةَ عَرَّفَهَا لَهُمْ
Turjubaanka: Wa yudkhiluhumul jannata 'arrafahaa lahum
Wuxuuna galin Janno (uu baray) u caddeeyay.
- 7
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن تَنصُرُوا۟ ٱللَّهَ يَنصُرْكُمْ وَيُثَبِّتْ أَقْدَامَكُمْ
Turjubaanka: Yaaa ayyuhal lazeena aamanooo in tansurul laaha yansurkum wa yusabbit aqdaamakum
Kuwa xaqa rumeeyow haddaad u gargaartaan Eebe (Diintiisa) isna wuu idiin gargaari, Gommadihinnana wuu sugi (Geesinnimo).
- 8
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَتَعْسًۭا لَّهُمْ وَأَضَلَّ أَعْمَٰلَهُمْ
Turjubaanka: Wallazeena kafaroo fata's al lahum wa adalla a'maalahum
Kuwa Gaaloobayse Halaag iyo (hoos u dhac) yaa u sugnaaday, Camalkoodiina Eebe wuu halleeyay.
- 9
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَرِهُوا۟ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأَحْبَطَ أَعْمَٰلَهُمْ
Turjubaanka: Zaalika bi annahum karihoo maaa anzalal laahu faahbata a'maalahum
Saas waxaa ugu wacan inay neceen waxa Eebe soo dajiyay oo xaqa ah, markaasuu hoobiyay Camalkoodii.
- 10
۞ أَفَلَمْ يَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَيَنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ دَمَّرَ ٱللَّهُ عَلَيْهِمْ ۖ وَلِلْكَٰفِرِينَ أَمْثَٰلُهَا
Turjubaanka: Afalam yaseeroo fil ardi fayanzuroo kaifa kaana 'aaqibatul lazeena min qablihim; dammaral laahu 'alaihim wa lilkaafireena amsaaluhaa
Miyayna ku soconin dhulka oo markaas ay arkaan siday noqotay Cidhibtii kuwii Gaaloobay ee Ree Maka ka horreeyay, Eebaa halaagay, Gaaladana waxaa u sugnaaday saasoo kale halaag.
- 11
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ مَوْلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَأَنَّ ٱلْكَٰفِرِينَ لَا مَوْلَىٰ لَهُمْ
Turjubaanka: Zaalika bi annal laaha mawlal lazeena aamanoo wa annal kaafireena laa mawlaa lahum
Saas waxaa ugu wacan in Eebe yahay gargaaraha Mu'miniinta, Gaaladuna ayna gargaare lahayn.
- 12
إِنَّ ٱللَّهَ يُدْخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٍۢ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ ۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يَتَمَتَّعُونَ وَيَأْكُلُونَ كَمَا تَأْكُلُ ٱلْأَنْعَٰمُ وَٱلنَّارُ مَثْوًۭى لَّهُمْ
Turjubaanka: Innal-laaha yudkhilul lazeena aamanoo wa 'amilus saalihaati Jannaatin tajree min tahtihal anhaaru wallazeena kafaroo yatamatta'oona wa yaakuloona kamaa taakuluian'aamu wan Naaru maswallahum
Eebe wuxuu galin Mu'miniinta Camalka fiicanna falay Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, kuwa Gaaloobayna way raaxaysan (Addnunka) una cuni sida xooluhu wax u cunaan, Naarna waa Gurigay ku hoyan.
- 13
وَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ هِىَ أَشَدُّ قُوَّةًۭ مِّن قَرْيَتِكَ ٱلَّتِىٓ أَخْرَجَتْكَ أَهْلَكْنَٰهُمْ فَلَا نَاصِرَ لَهُمْ
Turjubaanka: Wa ka ayyim min qaryatin hiya ashaddu quwwatam min qaryatikal lateee akhrajatka ahlaknaahum falaa naasira lahum
Imisay jirtay Magaalo ka xoog badan Magaaladaadan ku bixisay (Maka) aanna hallignay, gargaarana aan helin.
- 14
أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٍۢ مِّن رَّبِّهِۦ كَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُم
Turjubaanka: Afaman kaana 'alaa baiyinatim mir Rabbihee kaman zuyyina lahoo sooo'u 'amalihee wattaba'ooo ahwaaa'ahum
Ruux xaqa cad ee Eebe ku sugan ma la midbaa Ruux loo qurxiyay Camalkiisa xun oo haddana waxa naftiisu jeceshahay (ee xun) raaca.
- 15
مَّثَلُ ٱلْجَنَّةِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ ۖ فِيهَآ أَنْهَٰرٌۭ مِّن مَّآءٍ غَيْرِ ءَاسِنٍۢ وَأَنْهَٰرٌۭ مِّن لَّبَنٍۢ لَّمْ يَتَغَيَّرْ طَعْمُهُۥ وَأَنْهَٰرٌۭ مِّنْ خَمْرٍۢ لَّذَّةٍۢ لِّلشَّٰرِبِينَ وَأَنْهَٰرٌۭ مِّنْ عَسَلٍۢ مُّصَفًّۭى ۖ وَلَهُمْ فِيهَا مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ وَمَغْفِرَةٌۭ مِّن رَّبِّهِمْ ۖ كَمَنْ هُوَ خَٰلِدٌۭ فِى ٱلنَّارِ وَسُقُوا۟ مَآءً حَمِيمًۭا فَقَطَّعَ أَمْعَآءَهُمْ
Turjubaanka: Masalul jannatil latee wu'idal muttaqoona feehaaa anhaarum mim maaa'in ghayri aasininw wa anhaarum mil labanil lam yataghaiyar ta'muhoo wa anhaarum min khamril lazzatil lishshaaribeena wa anhaarum min 'asalim musaffanw wa lahum feeha min kullis samaraati wa maghfiratum mir Rabbihim kaman huwa khaalidun fin naari wa suqoo maaa'an hameeman faqatta'a am'aaa'ahum
Tilmaanta Jannada loogu yaboohay mu'miniinta waa in Wabiyaal biya ah oon doorsoomaynin dhexdeeda yihiin, iyo Wabiyaal Caano ah ooo iyana dhadhankoodu doorsoomaynin, iyo Wabiyaal Khamro (xalaal ah) oo u macaan dadka cabbi, iyo Wabiyaal Malab ah oo la sifeeyay, waxayna Jannada ku leeyihiin nooc kasta ooMidho ah, iyo dambidhaafka Eebe. Ma la midbaa Ruux Narta ku waari lagana waraabin Biyo kulayl daran oo Xiidmahooda gooya/
- 16
وَمِنْهُم مَّن يَسْتَمِعُ إِلَيْكَ حَتَّىٰٓ إِذَا خَرَجُوا۟ مِنْ عِندِكَ قَالُوا۟ لِلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ مَاذَا قَالَ ءَانِفًا ۚ أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُمْ
Turjubaanka: Wa minhum mai yastami' ilaika hattaaa izaa kharajoo min 'indika qaaloo lillazeena ootul 'ilma maazaa qaala aanifaa; ulaaa'ikal lazeena taba'al laahu 'alaa quloobihim wattaba'ooo ahwaaa'ahum
Waxaa ka mid ah Gaalada kuwo ku dhagaysan (Nabiyow), Markay agtaada ka baxaanna ku dhihi kuwa Cilmiga leh (Asxaabta) Muxuu lahaa dhawaan, kuwaasi waa kuwa Eebe daabacay Quluubtooda, waxay naftoodu jeclaydna (oo xunna) raacay.
- 17
وَٱلَّذِينَ ٱهْتَدَوْا۟ زَادَهُمْ هُدًۭى وَءَاتَىٰهُمْ تَقْوَىٰهُمْ
Turjubaanka: Wallazeenah tadaw zaadahum hudanw wa aataahum taqwaahum
Kuwa hanuunay (Eebe) wuxuu u siyaadiyaa hanuun, wuxuuna waafajiyaa (Eebe) kayaabiddiisa.
- 18
فَهَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأْتِيَهُم بَغْتَةًۭ ۖ فَقَدْ جَآءَ أَشْرَاطُهَا ۚ فَأَنَّىٰ لَهُمْ إِذَا جَآءَتْهُمْ ذِكْرَىٰهُمْ
Turjubaanka: Fahal yanzuroona illas Saa'ata an taatiyahum baghtatan faqad jaaa'a ashraatuhaa; fa-annnaa lahum izaa jaaa'at hum zikraahum
Gaaladu ma waxay sugi in Qiyaamadu kado ugu timaaddo, waxaase yimidba Calaamooyinkeedii, ee sideebay xusuus ugu sugnaan hadday Qiyaamadu timaaddo.
- 19
فَٱعْلَمْ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱسْتَغْفِرْ لِذَنۢبِكَ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ ۗ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مُتَقَلَّبَكُمْ وَمَثْوَىٰكُمْ
Turjubaanka: Fa'lam annahoo laaa ilaaha illal laahu wastaghfir lizambika wa lilmu'mineena walmu'minaat; wallaahu ya'lamu mutaqallabakum wa maswaakum
Ogow (kuna sugnow Nabiyow) inaan Eebe mooyeen Ilaah kale jirin, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu'miniinta Rag iyo Haweenba, Eebana waa ogyahay dhaqdhqaaqiinna iyo nagaadigiinnaba.
- 20
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَوْلَا نُزِّلَتْ سُورَةٌۭ ۖ فَإِذَآ أُنزِلَتْ سُورَةٌۭ مُّحْكَمَةٌۭ وَذُكِرَ فِيهَا ٱلْقِتَالُ ۙ رَأَيْتَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌۭ يَنظُرُونَ إِلَيْكَ نَظَرَ ٱلْمَغْشِىِّ عَلَيْهِ مِنَ ٱلْمَوْتِ ۖ فَأَوْلَىٰ لَهُمْ
Turjubaanka: Wa yaqoolul lazeena aamanoo law laa nuzzilat Sooratun fa izaaa unzilat Sooratum Muhkamatunw wa zukira feehal qitaalu ra aytal lazeena fee quloobihim maraduny yanzuroona ilaika nazaral maghshiyyi 'alaihi minal mawti fa'awlaa lahum
Waxay kuwa xaqa rumeeyay dhahaan Maa la soo dejiyo Suurad, markiise la soodajiyo Suurad sugan Dagaalkana (Jahaadkana) lagu sheego waxaad arkaysaa kuwa quluubta ka buka oo ku soo fiirin (Nabiyow) sida Ruux sakaraad hayo oo kale, halaag baynamutaan kuwaasi.
- 21
طَاعَةٌۭ وَقَوْلٌۭ مَّعْرُوفٌۭ ۚ فَإِذَا عَزَمَ ٱلْأَمْرُ فَلَوْ صَدَقُوا۟ ٱللَّهَ لَكَانَ خَيْرًۭا لَّهُمْ
Turjubaanka: Taa'atunw wa qawlum ma'roof; fa izaa 'azamal amru falaw sadaqul laaha lakaana khairal lahum
Daacadnimo iyo hadal wanaagsan yaa u khayr roonaan lahayd, markase xaalku dhaboobo (Jahaad la galo) haday Eebe u runsheegaan yaa u khayr badan.
- 22
فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِن تَوَلَّيْتُمْ أَن تُفْسِدُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوٓا۟ أَرْحَامَكُمْ
Turjubaanka: Fahal 'asaitum in tawallaitum an tufsidoo fil ardi wa tuqatti'ooo arhaamakum
Amaad mudantihiin haddaad xaqa (Jahaadka) ka jeedsataan inaad fasaadisaan dhulka, Qaraabadiinnana goysaan.
- 23
أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَىٰٓ أَبْصَٰرَهُمْ
Turjubaanka: Ulaaa'ikal lazeena la'anahumul laahu fa asammahum wa a'maaa absaarahum
Kuwaasi waa kuwa Eebe lacnaday, dhagaha iyo Indhahana tiray.
- 24
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلْقُرْءَانَ أَمْ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقْفَالُهَآ
Turjubaanka: Afalaa yatadabbaroonal Qur-aana am 'alaa quloobin aqfaaluhaa
Miyayna Quraanka u fiirsanin (sidhab ah) mise Quluubtoodaa daboolan.
- 25
إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱرْتَدُّوا۟ عَلَىٰٓ أَدْبَٰرِهِم مِّنۢ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلْهُدَى ۙ ٱلشَّيْطَٰنُ سَوَّلَ لَهُمْ وَأَمْلَىٰ لَهُمْ
Turjubaanka: Innal lazeenar taddoo 'alaaa adbaarihim mim ba'di maa tabaiyana lahumul hudash Shaitaanu sawwala lahum wa amlaa lahum
Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) inta xaqu iyo hanuunku u caddaaday ka dib shaydaanbaa u qurxiyay, yididiilo (been ahna) uguna yaboohay.
- 26
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا۟ لِلَّذِينَ كَرِهُوا۟ مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ سَنُطِيعُكُمْ فِى بَعْضِ ٱلْأَمْرِ ۖ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ إِسْرَارَهُمْ
Turjubaanka: Zaalika bi annahum qaaloo lillazeena karihoo maa nazzalal laahu sanutee'ukum fee ba'dil amri wallaahu ya'lamu israarahum
Saas waxaa ugu wacan iney kuwa riddoobay ku dheheen kuwa xaqa nacay waxaan idinku (waafaqaynaa) adeecaynaa amarka qaarkiis (colnimada Nabiga), Eebana waa ogyahay waxay qarsan.
- 27
فَكَيْفَ إِذَا تَوَفَّتْهُمُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ يَضْرِبُونَ وُجُوهَهُمْ وَأَدْبَٰرَهُمْ
Turjubaanka: Fakaifa izaa tawaffat humul malaaa'ikatu yadriboona wujoohahum wa adbaa rahum
Ee say noqon markay nafta ka qaadayso Malaa'igtu iyadoo ka garaaci Wajiga iyo gadaashaba.
- 28
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱتَّبَعُوا۟ مَآ أَسْخَطَ ٱللَّهَ وَكَرِهُوا۟ رِضْوَٰنَهُۥ فَأَحْبَطَ أَعْمَٰلَهُمْ
Turjubaanka: Zaalika bi annahumut taba'oo maaa askhatal laaha wa karihoo ridwaanahoo fa ahbata a'maalahum
Saas waxaa ugu wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebe ka cadhoodo, neceenna raalli ahaanshihiisa, markaasuu buriyay camalkoodii.
- 29
أَمْ حَسِبَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَن لَّن يُخْرِجَ ٱللَّهُ أَضْغَٰنَهُمْ
Turjubaanka: Am hasibal lazeena fee quloobihim maradun al lan yukhrijal laahu adghaanahum
Kuwii Qalbiga ka bukay ma waxay u maleeyeen inaan Eebe soo muujinayn xumaanta (iyo xasadka) Qalbiga kaga jira.
- 30
وَلَوْ نَشَآءُ لَأَرَيْنَٰكَهُمْ فَلَعَرَفْتَهُم بِسِيمَٰهُمْ ۚ وَلَتَعْرِفَنَّهُمْ فِى لَحْنِ ٱلْقَوْلِ ۚ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ أَعْمَٰلَكُمْ
Turjubaanka: Wa law nashaaa'u la-arainaakahum fala 'araftahum bi seemaahum; wa lata'rifan nahum fee lahnil qawl; wallaahu ya'lamu a'maalakum
Haddaan doonno waan ku tusin karnaa kuwaas, waxaadna ku aqoonsan Calaamad, waxaad kaloo ku oqoonsan hadalka leexsan, Eebana waa ohyahay camalkooda.
- 31
وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ حَتَّىٰ نَعْلَمَ ٱلْمُجَٰهِدِينَ مِنكُمْ وَٱلصَّٰبِرِينَ وَنَبْلُوَا۟ أَخْبَارَكُمْ
Turjubaanka: Wa lanabluwannakum hattaa na'lamal mujaahideena minkum wassaabireena wa nabluwa akhbaarakum
waannu idin imtixaanaynaa intaan ka muujinno kuwiinna Jahaadi iyo kuwa samra, waana imtixaanaynaa Xaalkiinna.
- 32
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَشَآقُّوا۟ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلْهُدَىٰ لَن يَضُرُّوا۟ ٱللَّهَ شَيْـًۭٔا وَسَيُحْبِطُ أَعْمَٰلَهُمْ
Turjubaanka: Innnal lazeena kafaroo wa saddoo 'an sabeelil laahi wa shaaaqqur Rasoola mim ba'di maa tabaiyana lahumul hudaa lany yadurrul laaha shai'anw wa sa yuhbitu a'maalahum
Kuwa gaaloobay ee Jidka Eebe ka leexiya dadka Rasuulkana khilaafa (lana collooba) inta xaqu u caddaaday ka dib waxba Eebe kama dhimayaan Camalkoodana wuu burrin.
- 33
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُوا۟ ٱلرَّسُولَ وَلَا تُبْطِلُوٓا۟ أَعْمَٰلَكُمْ
Turjubaanka: Yaaa ayyuhal lazeena aamanoo atee'ul laaha wa atee'ur Rasoola wa laa tubtilooo a'maalakum
Kuwa xaqa rumeeyow Eebe adeeca, Rasuukiisana adeeca, Camalkiinnana hayska burrinina.
- 34
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ مَاتُوا۟ وَهُمْ كُفَّارٌۭ فَلَن يَغْفِرَ ٱللَّهُ لَهُمْ
Turjubaanka: Innal lazeena kafaroo wa saddoo 'an sabeelil laahi summa maatoo wa hum kuffaarun falany yaghfirallaahu lahum
Kuwa gaaloobay oo Jidka Eebe ka leexiyay dadka kadibna dhinta iyagoo gaala ah Eebe uma Dambi dhaafo.
- 35
فَلَا تَهِنُوا۟ وَتَدْعُوٓا۟ إِلَى ٱلسَّلْمِ وَأَنتُمُ ٱلْأَعْلَوْنَ وَٱللَّهُ مَعَكُمْ وَلَن يَتِرَكُمْ أَعْمَٰلَكُمْ
Turjubaanka: Falaa tahinoo wa tad'ooo ilas salmi wa antumul a'lawna wallaahu ma'akum wa lany yatirakum a'maalakum
Ha tabar darraanina mu'miniintaay ood markaa heshiis u yeedhaan, idinkaaba ka sarreeyee Eebana idinla jiraaye, Camalkiinnana ma nusqaaminaayee.
- 36
إِنَّمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا لَعِبٌۭ وَلَهْوٌۭ ۚ وَإِن تُؤْمِنُوا۟ وَتَتَّقُوا۟ يُؤْتِكُمْ أُجُورَكُمْ وَلَا يَسْـَٔلْكُمْ أَمْوَٰلَكُمْ
Turjubaanka: Innamal hayaatud dunyaa la'ibunw wa lahw; wa in to'minoo wa tattaqoo yu'tikum ujoorakum wa laa yas'alkum amwaalakum
Nolosha Adduunyo waa uun ciyaar iyo dheeldheel, haddaadse xaqa rumeysaan ood dhawrsataan wuxuu idin siin (Eebe) abaalkiinna, xoolihiinnana idin waydiisan maayo.
- 37
إِن يَسْـَٔلْكُمُوهَا فَيُحْفِكُمْ تَبْخَلُوا۟ وَيُخْرِجْ أَضْغَٰنَكُمْ
Turjubaanka: Iny yas'alkumoohaa fa yuhfikum tabkhaloo wa yukhrij adghaanakum
Hadduu idin waydiiyo (Eebe) xoolihiinna (dhammaan) idinkuna celceliyo waad bakhayloobaysaan, waxaana soo bixi colnimadiinna.
- 38
هَٰٓأَنتُمْ هَٰٓؤُلَآءِ تُدْعَوْنَ لِتُنفِقُوا۟ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَمِنكُم مَّن يَبْخَلُ ۖ وَمَن يَبْخَلْ فَإِنَّمَا يَبْخَلُ عَن نَّفْسِهِۦ ۚ وَٱللَّهُ ٱلْغَنِىُّ وَأَنتُمُ ٱلْفُقَرَآءُ ۚ وَإِن تَتَوَلَّوْا۟ يَسْتَبْدِلْ قَوْمًا غَيْرَكُمْ ثُمَّ لَا يَكُونُوٓا۟ أَمْثَٰلَكُم
Turjubaanka: haaa antum haaa'ulaaa'i tud'awna litunfiqoo fee sabeelillaahi faminkum many yabkhalu wa many yabkhal fa innamaa yabkhalu 'an nafsih; wallaahu Ghaniyyu wa antumul fuqaraaa'; wa in tatwal law yastabdil qawman ghairakum summa laa yakoonooo amsaalakum
Kuwaas xaqa rumeeyow waxaa laydiinku yeedhi inaad jidka Eebe wax ku bixisaan, waxaase idinka mid ah kuwo ku bakhayli, Ruuxiise bakhayla wuxuu uun kala bakhaylay Naftiisa Eebana waa hodon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro, haddaad xaqa ka jeedsataanse wuxuu Eebe idinku baddali kuwa kale oon idin lamid noqonayn.
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.