Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ حمٓ
Turjubaanka: Haa-Meeem
waa soo hormaray macnaheedu.
- 2
تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
Turjubaanka: Tanzeelul Kitaabi minal laahil 'Azeezil Hakeem
soo dajinta Kitaabka (Quraanka) ah wuxuu ka ahaaday Eebaha adkaada iyo falkan san.
- 3
إِنَّ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَءَايَٰتٍۢ لِّلْمُؤْمِنِينَ
Turjubaanka: Innaa fis samaawaati wal ardi la Aayaatil lilmu'mineen
Samooyinka iyo Dhulka dhexdiisana aayadbaa ugu sugan Mu'miniinta.
- 4
وَفِى خَلْقِكُمْ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَٰتٌۭ لِّقَوْمٍۢ يُوقِنُونَ
Turjubaanka: Wa fee khalaqikum wa maa yabussu min daaabbatin Aayaatul liqawminy-yooqinoon
abuurkiinna iyo waxa Eebe ku fidin «abuuri» Dhulka oo wax socda ah aayaadbaa ugu sugan ciddii wax yaqiinsan.
- 5
وَٱخْتِلَٰفِ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزْقٍۢ فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَتَصْرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ ءَايَٰتٌۭ لِّقَوْمٍۢ يَعْقِلُونَ
Turjubaanka: Wakhtilaafil laili wannahaari wa maaa anzalal laahu minas samaaa'i mir rizqin fa ahyaa bihil arda ba'da mawtihaa wa tasreefir riyaahi Aayaatul liqawminy ya'qiloon
iskhilaafka Habeenka iyo Maalinta iyo waxa Eebe ka soodajiyey Samada oo Rizqi ah oo ku nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka dib iyo gagadoonka Dabaylaha waxaa ugu sugan aayaad ciddii wax kasi.
- 6
تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتْلُوهَا عَلَيْكَ بِٱلْحَقِّ ۖ فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَ ٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ يُؤْمِنُونَ
Turjubaanka: Tilka Aayatul laahi natloohaa 'alika bilhaqq, fabiayyi hadeesim ba'dal laahi wa Aayaatihee yu'minoon
taasi waa aayaadka Eebe aan ku akhriyeyno korkaaga si xaq ah, ee hadalkay Eebe ka dib iyo aayaadkiisa rumayn.
- 7
وَيْلٌۭ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍۢ
Turjubaanka: Wailul likulli affaakin aseem
halaagna wuxuu u sugnaaday beenaale dambi badan dhammaantiis.
- 8
يَسْمَعُ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسْتَكْبِرًۭا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا ۖ فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍۢ
Turjubaanka: Yasma'u Aayaatil laahi tutlaa 'alaihi summa yusirru mustakbiran ka-al lam yasma'haa fabashshirhu bi'azaabin aleem
oo maqli aayaadka Eebe oo la akhrin haddana daa'ima gaalnimo, isagoo iskibrin sidii isagoon maqlin, ugu bishaaree cadaab daran.
- 9
وَإِذَا عَلِمَ مِنْ ءَايَٰتِنَا شَيْـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًا ۚ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌۭ مُّهِينٌۭ
Turjubaanka: Wa izaa 'alima min Aayaatinaa shai'anit takhazahaa huzuwaa; ulaaa'ika lahum 'azaabum muheen
markuu ogaado aayaadkanaga wax ka mid ah wuxuu ka yeeshaa jees-jees, kuwaasina waxaa u sugnaaday cadaab wax dulleeya.
- 10
مِّن وَرَآئِهِمْ جَهَنَّمُ ۖ وَلَا يُغْنِى عَنْهُم مَّا كَسَبُوا۟ شَيْـًۭٔا وَلَا مَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوْلِيَآءَ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ
Turjubaanka: Minw waraaa'ihim Jahannamu wa laa yughnee 'anhum maa kasaboo shai'anw wa laa mat takhazoo min doonil laahi awliyaaa'a wa lahum 'azaabun 'azeem
waxaa koobi «kana dambeysa» Naarta Jahannamo, waxna uma taro waxay kasbadeen, iyo waxay ka yeesheen Eebe ka sokow owliyo, waxayna mudan Cadaab wayn.
- 11
هَٰذَا هُدًۭى ۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ لَهُمْ عَذَابٌۭ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ
Turjubaanka: Haazaa hudanw wal lazeena kafaroo bi aayaati Rabbihim lahum 'azaabum mir rijzin aleem
Quraankani waa hanuun, kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebehoodna waxaa u sugnaaday Cadaab xumaan daran.
- 12
۞ ٱللَّهُ ٱلَّذِى سَخَّرَ لَكُمُ ٱلْبَحْرَ لِتَجْرِىَ ٱلْفُلْكُ فِيهِ بِأَمْرِهِۦ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Turjubaanka: Allaahul lazee sahkhara lakumul bahra litajriyal fulku feehi bi amrihee wa litabtaghoo min fadlihee wa la'allakum tashkuroon
Eebe waa kan idiinfududeeyey Badda say ugu socoto Doonnidu «iyo Markabku» dhexdiisa amarka Eebe, iyo inaad gaadhaan Fadligiisa iyo inaad ku mahadisaan.
- 13
وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًۭا مِّنْهُ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يَتَفَكَّرُونَ
Turjubaanka: Wa sakhkhara lakum maa fis samaawaati wa maa fil ardi jamee'am minh; inna feezaalika la Aayaatil liqawminy yatafakkaroon
wuxuu idiin fududeeyey waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka Dhammaan xagiisay ka ahaadeen, arrintaasna waxa ugu sugan aayaad ciddii fikiri.
- 14
قُل لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَغْفِرُوا۟ لِلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ أَيَّامَ ٱللَّهِ لِيَجْزِىَ قَوْمًۢا بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Turjubaanka: Qul lillazeena aamanoo yaghfiroo lillazeena laa yarjoona ayyaamal laahi liyajziya qawmam bimaa kaanoo yaksiboon
waxaad u dhahdaa kuwa rumeeyey u dhaafa kuwaan ka yaabayn ciqaabta Eebe si uu uga abaal mariyo qoom waxay kasbadeen.
- 15
مَنْ عَمِلَ صَٰلِحًۭا فَلِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَنْ أَسَآءَ فَعَلَيْهَا ۖ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ
Turjubaanka: Maa 'amila saalihan falinafsihee wa man asaaa'a fa'alaihaa summa ilaa Rabbikum turja'oon
ruuxii camal fiicanfala Naftiisuu u falay, ruuxii Xumaan sameeyana waxay uun dhibhi Naftiisa markaas xagga Eebe uunbaa laydiin celin.
- 16
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْحُكْمَ وَٱلنُّبُوَّةَ وَرَزَقْنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلْنَٰهُمْ عَلَى ٱلْعَٰلَمِينَ
Turjubaanka: Wa laqad aatainaa Baneee Israaa'eelal Kitaaba walhukma wan Nubuwwata wa razaqnaahum minat taiyibaati wa faddalnaahum;alal 'aalameen
dhab ahaanbaan u siinay ree Binii Israa'iil Kitaabka iyo Xukun iyo Nabinimo, waxaana ku arzuqnay wax wanaagsan, waxaana ka fadillay Caalamkii (markaas).
- 17
وَءَاتَيْنَٰهُم بَيِّنَٰتٍۢ مِّنَ ٱلْأَمْرِ ۖ فَمَا ٱخْتَلَفُوٓا۟ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
Turjubaanka: Wa aatainaahum baiyinaatim minal amri famakh talafooo illaa mim ba'di maa jaaa'ahumul 'ilmu baghyam bainahum; inna Rabbaka yaqdee bainahum Yawmal Qiyaamati feemaa kaanoo feehi yakhtalifoon
waxaana siinay xujooyin ka mid ah amar, ismana khilaafin, inta cilmi u yimid ka dib mooyee, waxayna u diideen Xasad iyo Dulmi, dhexdooda ah, Eebahaana wuu kala xukumi dhexdooda Malinta Qiyaame waxay isku khilaafsanyihiin.
- 18
ثُمَّ جَعَلْنَٰكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٍۢ مِّنَ ٱلْأَمْرِ فَٱتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَ ٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ
Turjubaanka: Summa ja'alnaaka 'alaa sharee'atim minal amri fattabi'haa wa laa tattabi'ahwaaa'al-lazeena laa ya'lamoon
waxaana ku yeellay waddo amarka Diinta ah, Ee raac, hana raacin hawada kuwaan wax ogayn.
- 19
إِنَّهُمْ لَن يُغْنُوا۟ عَنكَ مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًۭٔا ۚ وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍۢ ۖ وَٱللَّهُ وَلِىُّ ٱلْمُتَّقِينَ
Turjubaanka: Innahum lany yughnoo 'anka minal laahi shai'aa; wa innaz zaalimeena ba'duhum awliyaaa'u ba'dinw wallaahu waliyyul muttaqeen
iyagu kaagama taraan Eebe xagiisa waxba, Daalimiintana qaarkood wuxuu u yahay sokeeye qaarka kale, Eebana waa u wali kuwa dhawrsada.
- 20
هَٰذَا بَصَٰٓئِرُ لِلنَّاسِ وَهُدًۭى وَرَحْمَةٌۭ لِّقَوْمٍۢ يُوقِنُونَ
Turjubaanka: Haazaa basaaa'iru linnaasi wa hudanw wa rahmatul liqawminy yooqinoon
kaasi waa (Quraanku) waa aragti (Nuurka) Dadka iyo hanuun iyo Naxariis ciddii waxyaqiinsan.
- 21
أَمْ حَسِبَ ٱلَّذِينَ ٱجْتَرَحُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن نَّجْعَلَهُمْ كَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَوَآءًۭ مَّحْيَاهُمْ وَمَمَاتُهُمْ ۚ سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ
Turjubaanka: Am hasibal lazeenaj tarahus saiyiaati an naj'alahum kallazeena aamanoo wa 'amilu saalihaati sawaaa'am mahyaahum wa mamaatuhum; saaa'a maa yahkumoon
mise waxay umaleeyeen kuwii kashaday xumaanta inaan kayeeleyno kuwa xaqa rumeeyey ee camal fiican falay oo kale, nolol iyo geeriba, waxaa xun waxay xukumi.
- 22
وَخَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ وَلِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
Turjubaanka: Wa khalaqal laahus samaawaati wal arda bilhaqqi wa litujzaa kullu nafsim bimaa kasabat wa hum laa yuzlamoon
Eebaa u abuuray samooyinka iyo Dhulka, xaq iyo in laga abaalmariyo Naf walba waxay kasbatay, lamana dulmiyo.
- 23
أَفَرَءَيْتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ وَأَضَلَّهُ ٱللَّهُ عَلَىٰ عِلْمٍۢ وَخَتَمَ عَلَىٰ سَمْعِهِۦ وَقَلْبِهِۦ وَجَعَلَ عَلَىٰ بَصَرِهِۦ غِشَٰوَةًۭ فَمَن يَهْدِيهِ مِنۢ بَعْدِ ٱللَّهِ ۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Turjubaanka: Afara'ayta manit takhaza ilaahahoo hawaahu wa adal lahul laahu 'alaa 'ilminw wa khatama 'alaa sam'ihee wa qalbihee wa ja'ala 'alaa basarihee ghishaawatan famany yahdeehi mim ba'dil laah; afalaa tazakkaroon
ka waran ruux ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa, oo Eebe dhumiyey isagoo cilmi leh, oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yelayna aragiisa dabool, yaa hanuunin Eebe kadib, miyaydaan wax xusuusanayn.
- 24
وَقَالُوا۟ مَا هِىَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا يُهْلِكُنَآ إِلَّا ٱلدَّهْرُ ۚ وَمَا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِنْ هُمْ إِلَّا يَظُنُّونَ
Turjubaanka: Wa qaaloo maa hiya illaa hayaatunad dunyaa namootu wa nahyaa wa maa yuhlikunaaa illad dahr; wa maa lahum bizaalika min 'ilmin in hum illaayazunnoon
waxay dheheen Gaaladii wax kale ma jiro ee waa uun nolashanada dhaw, waana dhimaneynaa qaarna noolaan, waxaan waqtiga ahayna nama dilo, wax ogaansho ahna uma leh arrintaas waxaan male ahayna kuma socdaan.
- 25
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٍۢ مَّا كَانَ حُجَّتَهُمْ إِلَّآ أَن قَالُوا۟ ٱئْتُوا۟ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Turjubaanka: Wa izaa tutlaa 'alaihim aayaatuna baiyinaatim maa kaana hujjatahum illaaa an qaalu'too bi aabaaa'inaaa in kuntum saadiqeen
marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad wax xuja ah ma helaan oon ahayn noo keena aabbayowganno haddaad run sheegaysaan.
- 26
قُلِ ٱللَّهُ يُحْيِيكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يَجْمَعُكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
Turjubaanka: Qulil laahu yuhyeekum summa yumeetukum summa yajma'ukum ilaa Yawmil Qiyaamati laa raiba feehi wa laakinna aksaran naasi laa ya'lamoon
waxaad dhahdaa Eebaa idin nooleeya idina dili, idinna kulmin Maalinta Qiyaame shakina ma leh, laakiin Dadka badankiis ma oga.
- 27
وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوْمَئِذٍۢ يَخْسَرُ ٱلْمُبْطِلُونَ
Turjubaanka: Wa lillaahi mulkus samaawaati wal ard; wa Yawma taqoomus Saa'atu Yawma 'iziny yakhsarul mubtiloon
Eebaa iska leh xukunka samooyinka iyo Dhulka, Maalintay kacdo Saacadda Qiyaame maalintaasay Khasaari xumaanlowgu.
- 28
وَتَرَىٰ كُلَّ أُمَّةٍۢ جَاثِيَةًۭ ۚ كُلُّ أُمَّةٍۢ تُدْعَىٰٓ إِلَىٰ كِتَٰبِهَا ٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Turjubaanka: Wa taraa kulla ummatin jaasiyah; kullu ummatin tud'aaa ilaa kitaabihaa al Yawma tujzawna maa kuntum ta'maloon
waxaadna arki umad kastoo Lawyahay ku fadhida Qiyaamada, Umad kastana waxaa loogu yeedhi Kitaabkii «camalkeeda» Maalintaas waxaa laydiinka abaalmarin waxaad camalfaleyseen.
- 29
هَٰذَا كِتَٰبُنَا يَنطِقُ عَلَيْكُم بِٱلْحَقِّ ۚ إِنَّا كُنَّا نَسْتَنسِخُ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Turjubaanka: Haazaa kitaabunaa yantiqu 'alaikum bilhaqq; innaa kunnaa nastansikhu maa kuntum ta'maloon
kani waa Kitaabkanagii wuxuuna ku hadli xaq korkiina, annaguna waan qoraynay waxaad camal falaysaan.
- 30
فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُدْخِلُهُمْ رَبُّهُمْ فِى رَحْمَتِهِۦ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْمُبِينُ
Turjubaanka: Fa ammal lazeena aamaanoo wa 'amilus saalihaati fayudkhiluhum Rabbuhum fee rahmatih; zaalika huwal fawzul mubeen
kuwa xaqa rumeeyey oo camal fiican falay wuxuu galin Eebahood Naxariistiisa, taasina waa liibaan wayn.
- 31
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَفَلَمْ تَكُنْ ءَايَٰتِى تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَٱسْتَكْبَرْتُمْ وَكُنتُمْ قَوْمًۭا مُّجْرِمِينَ
Turjubaanka: Wa ammal lazeena kafarooo afalam takun Aayaatee tutlaa 'alaikum fastakbartum wa kuntum qawmam mujrimeen
kuwa Gaaloobayse waxaa lagu dhihi miyeyna ahayn aayaadkeyga kuwa korkiina lagu akhriyo ood iskibriseen noqoteen qoom dambi falayaal ah.
- 32
وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّۭ وَٱلسَّاعَةُ لَا رَيْبَ فِيهَا قُلْتُم مَّا نَدْرِى مَا ٱلسَّاعَةُ إِن نَّظُنُّ إِلَّا ظَنًّۭا وَمَا نَحْنُ بِمُسْتَيْقِنِينَ
Turjubaanka: Wa izaa qeela inna wa'dallaahi haqqunw was Saa'atu laa raiba feehaa qultum maa nadree mas Saa'atu in nazunnu illaa zannanw wa maa nahnu bimustaiqineen
marka la dhaho yabooha Eebe waa xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki ma leh, waxaad dhahdaan ma naqaan Saacadda (qiyaame) waannu uun malayn mase yaqiinsanin.
- 33
وَبَدَا لَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Turjubaanka: Wa badaa lahum saiyiaatu maa 'amiloo wa haaqa bihim maa kaanoo bihee yastahzi'oon
waxaa u muuqan Gaalada xumaantay camalfaleen (Ciqaabteedi) waxaana koobi waxay ku jees jeesi jireen (ciqaabtiisii).
- 34
وَقِيلَ ٱلْيَوْمَ نَنسَىٰكُمْ كَمَا نَسِيتُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَا وَمَأْوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ
Turjubaanka: Wa qeelal yawma nansaakum kamaa naseetum liqaaa'a yawmikum haazaa wa maawaakumun Naaru wa maa lakum min naasireen
waxaana loo dhihi Maanta (Qiyaamada) waanu idinka tagi (idinko cadaaban) sidaad u halmaanteen la kulanka Maalintiinan, Hooygiinuna waa Naar wax idiin gargaarana ma jiro.
- 35
ذَٰلِكُم بِأَنَّكُمُ ٱتَّخَذْتُمْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوًۭا وَغَرَّتْكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا ۚ فَٱلْيَوْمَ لَا يُخْرَجُونَ مِنْهَا وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ
Turjubaanka: Zaalikum bi annakumut takhaztum aayaatil laahi huzuwanw wa gharratkumul hayaatud dunyaa; fal yawma laa yukhrajoona minhaa wa laahum yusta'taboon
Arrintaasna waxaa ugu waxan inaad ka yeelateen aayaadka Eebe Jees jees, idinna dhagartay nolosha dhaw (ee adduun) Maanta Qiyaamada lagama bixiyo Naarta, cudurdaarna lama warsado.
- 36
فَلِلَّهِ ٱلْحَمْدُ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَرَبِّ ٱلْأَرْضِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Turjubaanka: Falillaahil hamdu Rabbis samaawaati wa Rabbil ardi Rabbil-'aalameen
mahad Eebaa iskaleh Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, Eebaha caalamkana ah.
- 37
وَلَهُ ٱلْكِبْرِيَآءُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۖ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Turjubaanka: Wa lahul kibriyaaa'u fissamaawaati wal ardi wa Huwal 'Azeezul Hakeem
waxaana u sugnaatay waynida Samooyinka iyo Dhulka dhexdiisa, waana adkaade falsan.
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.