Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓمٓ
Turjubaanka: Alif-Laaam-Meeem
waxay ku tusin mucjisada Quraanka (sida soo hormartay).
- 2
تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْحَكِيمِ
Turjubaanka: Tilka Aayaatul Kitaabil Hakeem
tan waa aayaadka Kitaabka (Quraanka) xigmada leh.
- 3
هُدًۭى وَرَحْمَةًۭ لِّلْمُحْسِنِينَ
Turjubaanka: Hudanw wa rahmatal lilmuhsineen
waana hanuunka iyo naxariista samalfalayaasha.
- 4
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْءَاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ
Turjubaanka: Allazeena yuqeemoonas Salaata wa yu'toonaz Zakaata wa hum bil Aakhirati hum yooqinoon
kuwa salaadda ooga, Zakadana bixiya, iyagoo aakhiro yaqiinsan.
- 5
أُو۟لَٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًۭى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
Turjubaanka: Ulaaa'ika 'alaa hudam mir Rabbihim wa ulaaa'ika humul muflihoon
kuwaasi waxay ku suganyihiin hanuun Eebe, kuwaasina waa kuwa liibaanay.
- 6
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشْتَرِى لَهْوَ ٱلْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍۢ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًا ۚ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌۭ مُّهِينٌۭ
Turjubaanka: Wa minan naasi mai-yashtaree lahuwal hadeesi li yudilla 'an sabeelil laahi bighairi 'ilminw wa yattakhizahaa huzuwaa; ulaaa'ika lahum 'azaabum muheen
Dadka waxaa ka mid ah kuwo gadan hadal wax shuqliya si uu uga dhumiyo (Dadka) Jidka Eebe iyagoon wax ogayn, Jidka Eebene ku Jees jeesa, kuwaasi waxay mudan Cadaab Dulleeya.
- 7
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا وَلَّىٰ مُسْتَكْبِرًۭا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا كَأَنَّ فِىٓ أُذُنَيْهِ وَقْرًۭا ۖ فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Turjubaanka: Wa izaa tutlaa 'alayhi Aayaatunaa wallaa mustakbiran ka al lam yasma'haa ka anna feee uzunwihi waqran fabash shiru bi'azaabin aleem
marka lagu akhriyo aayadkanaga wuu jeedsadaa isagoo iskibrin, sidii isagoon maqal, oo dhagihiisu culusyihiin, ugu bishaaree Cadaab daran.
- 8
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ جَنَّٰتُ ٱلنَّعِيمِ
Turjubaanka: Innal lazeena aamanoo wa 'amilus saalihaati lahum Janaatun Na'eem
kuwa rumeeyey (xaqa) camal wanaagsanna falay waxay mudan Janatu Naciima.
- 9
خَٰلِدِينَ فِيهَا ۖ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقًّۭا ۚ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Turjubaanka: Khaalideena feeha wa'dal laahi haqqaa; wa Huwal 'Azeezul Hakeem
iyagoo ku waari dhexdeeda waana yabooh Eebe oo xaq ah, Eebana waa adkaade falsan.
- 10
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍۢ تَرَوْنَهَا ۖ وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٍۢ ۚ وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۭ فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍۢ كَرِيمٍ
Turjubaanka: Khalaqas samaawaati bi ghairi 'amadin tarawnahaa wa alqaa fil ardi rawaasiya an tameeda bikum wa bassa feehaa min kulli daaabbah; wa anzalnaa minas samaaa'i maaa'an fa ambatnaa feeha min kulli zawjin kareem
isaga abuuray Samooyinka Tiir aad aragtaan la'aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray Buuro (suga) inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabad kasta, Samadana waxaan ka soo dejinay Biyo, waxaana ku soo bixiney nooc kasta oo quruxsan.
- 11
هَٰذَا خَلْقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِى مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦ ۚ بَلِ ٱلظَّٰلِمُونَ فِى ضَلَٰلٍۢ مُّبِينٍۢ
Turjubaanka: Haazaa khalqul laahi fa aroonee maazaa khalaqal lazeena min doonih; baliz zaalimoona fee dalalim Mubeen
kaasi waa abuurkii Eebe, ee i tusiya waxay abuureen kuwa ka soo hadhay Eebe, saas ma aha, ee dulmi falayaashu waxay ku suganyihiin baadi Cad.
- 12
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا لُقْمَٰنَ ٱلْحِكْمَةَ أَنِ ٱشْكُرْ لِلَّهِ ۚ وَمَن يَشْكُرْ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِۦ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِىٌّ حَمِيدٌۭ
Turjubaanka: Wa laqad aatainaa Luqmaanal hikmata anishkur lillaah; wa many yashkur fa innamaa yashkuru linafsihee wa man kafara fa innal laaha Ghaniyyun Hameed
dhab dhaan ayaan luqmaan u siinay Xigmad iyo inuu Eebe ku mahdiyo, ruuxii mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay waana amaananyahay.
- 13
وَإِذْ قَالَ لُقْمَٰنُ لِٱبْنِهِۦ وَهُوَ يَعِظُهُۥ يَٰبُنَىَّ لَا تُشْرِكْ بِٱللَّهِ ۖ إِنَّ ٱلشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌۭ
Turjubaanka: Wa iz qaala luqmaanu libnihee wa huwa ya'izuhoo ya bunaiya laa tushrik billaah; innash shirka lazulmun 'azeem
(xusuuso) markuu ku yidhi Luqmaan Wiilkiisa isagoo waanin Wiilkayow Eebe hawshariigyeelin, shirkigu waa dulmi weyne.
- 14
وَوَصَّيْنَا ٱلْإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُۥ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍۢ وَفِصَٰلُهُۥ فِى عَامَيْنِ أَنِ ٱشْكُرْ لِى وَلِوَٰلِدَيْكَ إِلَىَّ ٱلْمَصِيرُ
Turjubaanka: Wa wassainal bi waalidaihi hamalat hu ummuhoo wahnan 'alaa wahninw wa fisaaluhoo fee 'aamaini anishkur lee wa liwaalidaika ilaiyal maseer
waxaan u dardaaranay dadka labadiisii Waalid, way sidday Hooyadis iyadoo tabaryar tabar yari kalana ku sugan, Gudhidiisuna waa Labo sano ee ku mahadi ani iyo Labadaadii Waalid, xagaygaana loo ahaan.
- 15
وَإِن جَٰهَدَاكَ عَلَىٰٓ أَن تُشْرِكَ بِى مَا لَيْسَ لَكَ بِهِۦ عِلْمٌۭ فَلَا تُطِعْهُمَا ۖ وَصَاحِبْهُمَا فِى ٱلدُّنْيَا مَعْرُوفًۭا ۖ وَٱتَّبِعْ سَبِيلَ مَنْ أَنَابَ إِلَىَّ ۚ ثُمَّ إِلَىَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Turjubaanka: Wa in jaahadaaka 'alaaa an tushrika bee maa laisa laka bihee 'ilmun falaa tuti'humaa wa saahib humaa fid dunyaa ma'roofanw wattabi' sabeela man anaaba ilayy; summa ilaiya marji'ukum fa unabbi'ukum bimaa kuntum ta'maloon
hadday kugula dadaalaan (Labada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso) waxaadan aqoon u lahayn ha ku adeecin kulana noolow adduunka si fiican, raacna Jidka kuwa ii noqda, xagayga yaa laydiin soo celin waxaana idiinka warami waxaad camalfali jirteen.
- 16
يَٰبُنَىَّ إِنَّهَآ إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍۢ مِّنْ خَرْدَلٍۢ فَتَكُن فِى صَخْرَةٍ أَوْ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَوْ فِى ٱلْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا ٱللَّهُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌۭ
Turjubaanka: Ya bunaiya innahaaa in taku misqaala habbatim min khardalin fatakun fee sakhratin aw fis samaawaati aw fil ardi yaati bihal laa; innal laaha lateefun Khabeer
Wiilkayow hadday xumaantu tahay Xabbad Khardal ah oo kale (wax yar) oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama Dhulka dhexdiisa wuu keeni Eebe, Eebana waa oge xeeldheer.
- 17
يَٰبُنَىَّ أَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ وَأْمُرْ بِٱلْمَعْرُوفِ وَٱنْهَ عَنِ ٱلْمُنكَرِ وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَآ أَصَابَكَ ۖ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ
Turjubaanka: Yaa bunaiya aqimis-Salaata waamur bilma'roofi wanha 'anil munkari wasbir 'alaa maaa asaabaka inna zaalika min 'azmil umoor
Wiilkayow oog Salaadda, oo far waanaagga oo reeb waxa lanaco kuna Samir waxa ku gaadha, arrintaasu waxay ka midtahay umuuraha wanaagsane.
- 18
وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِى ٱلْأَرْضِ مَرَحًا ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍۢ فَخُورٍۢ
Turjubaanka: Wa laa tusa'-'ir khaddaka linnaasi wa laa tamshi fil ardi maarahan innal laaha laa yuhibbu kulla mukhtaalin fakhoor
hana ka jeedin Wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Eebana ma jeela mid kastoo isla weyn oo faanbadane.
- 19
وَٱقْصِدْ فِى مَشْيِكَ وَٱغْضُضْ مِن صَوْتِكَ ۚ إِنَّ أَنكَرَ ٱلْأَصْوَٰتِ لَصَوْتُ ٱلْحَمِيرِ
Turjubaanka: Waqsid fee mashyika waghdud min sawtik; inna ankaral aswaati lasawtul hameer
socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig Codkaaga, Cod waxaa ugu xun Codka Dameerahee.
- 20
أَلَمْ تَرَوْا۟ أَنَّ ٱللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَأَسْبَغَ عَلَيْكُمْ نِعَمَهُۥ ظَٰهِرَةًۭ وَبَاطِنَةًۭ ۗ وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِى ٱللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍۢ وَلَا هُدًۭى وَلَا كِتَٰبٍۢ مُّنِيرٍۢ
Turjubaanka: Alam taraw annal laaha sakhkhara lakum maa fis sa maawaati wa maa fil ardi wa asbaha 'alaikum ni'amahoo zaahiratanw wa baatinah; wa minan naasi many yujaadilu fil laahi bighayri 'ilminw wa laa hudanw wa laa Kitaabim muneer
miyeydaan arkayn in Eebe idiin sakhiray waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan oo idin mid qarsoonba, Dadkana waxaa ka mid ah kuwo Eebe ku murmi Cilmi iyo hanuun iyo Kitaab nuuriya la'aantiis.
- 21
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّبِعُوا۟ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُوا۟ بَلْ نَتَّبِعُ مَا وَجَدْنَا عَلَيْهِ ءَابَآءَنَآ ۚ أَوَلَوْ كَانَ ٱلشَّيْطَٰنُ يَدْعُوهُمْ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ
Turjubaanka: Wa izaa qeela lahumut-tabi'oo maaa anzalal laahu qaaloo bal nattabi'u maa wajadnaa 'alaihi aabaaa'anaa; awalaw kaanash Shaitaanu yad'oohum ilaa 'azaabis sa'eer
marka loodhaho raaca waxa Eebe soo dajiyeyna waxay dhahaan waxaannu raaci waxaan ka helay Aabayaalkanno, haduu Shaydaan ugu yeedho Cadaabka Saciirana (miyey raaci).
- 22
۞ وَمَن يُسْلِمْ وَجْهَهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌۭ فَقَدِ ٱسْتَمْسَكَ بِٱلْعُرْوَةِ ٱلْوُثْقَىٰ ۗ وَإِلَى ٱللَّهِ عَٰقِبَةُ ٱلْأُمُورِ
Turjubaanka: Wa many yuslim wajha hooo ilal laahi wa huwa muhsinun faqadistamsaka bil'ur watil wusqaa; wa ilal laahi 'aaqibatul umoor
ruuxii u jeediya Wajigiisa xagga Eebe isagoo samo fali wuxuu qabsaday guntin (Ballan adag), xagga Eebaana Cihdhibta arrimuhu u noqon.
- 23
وَمَن كَفَرَ فَلَا يَحْزُنكَ كُفْرُهُۥٓ ۚ إِلَيْنَا مَرْجِعُهُمْ فَنُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓا۟ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Turjubaanka: Wa man kafara falaa yahzunka kufruh; ilainaa marji'uhum fanunabbi'uhum bimaa 'amiloo; innal laaha 'aleemum bizaatis sudoor
Ciddiise Gaalowda yuuna ku walbahaar galin Gaalimadiisu, xagganagay u soo noqon waxaana uga warramaynaa waxay camalfali jireen, illeen Eebaa og waxa laabta ku sugane.
- 24
نُمَتِّعُهُمْ قَلِيلًۭا ثُمَّ نَضْطَرُّهُمْ إِلَىٰ عَذَابٍ غَلِيظٍۢ
Turjubaanka: Numatti'uhum qaleelan summa nadtarruhum ilaa 'azaabin ghaleez
waanu u raaxayn wax yar, markaasaannu u dhibaatayn (u iili) Cadaab adag.
- 25
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ ۚ قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
Turjubaanka: Wa la'in sa altahum man khalaqas samaawaati wal arda la yaqoolunnal laah; qulil hamdu lillaah; bal aksaruhum laa ya'lamoon
haddaad waydiisid yaa abuuray samooyinka iyo dhulka waay odhan ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa iska leh, hadankoodse ma oga.
- 26
لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ
Turjubaanka: Lilaahi ma fis samaa waati wal ard; innal laaha Huwal Ghaniyyul Hameed
Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa hodan amaanan.
- 27
وَلَوْ أَنَّمَا فِى ٱلْأَرْضِ مِن شَجَرَةٍ أَقْلَٰمٌۭ وَٱلْبَحْرُ يَمُدُّهُۥ مِنۢ بَعْدِهِۦ سَبْعَةُ أَبْحُرٍۢ مَّا نَفِدَتْ كَلِمَٰتُ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌۭ
Turjubaanka: Wa law annamaa fil ardi min shajaratin aqlaamunw wal bahru yamudduhoo mim ba'dihee sab'atu abhurim maa nafidat Kalimaatul laah; innal laaha 'azeezun Hakeem
hadday waxa dhulka ku sugan oo geeda ah Qalimo noqdaan Badduna khadayso oo gadaasheeda Todobo badood yihiin madhamaateen Kalimooyinka Eebe, Eebana waa adkaade falsan.
- 28
مَّا خَلْقُكُمْ وَلَا بَعْثُكُمْ إِلَّا كَنَفْسٍۢ وَٰحِدَةٍ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌۢ بَصِيرٌ
Turjubaanka: Maa khalqukum wa laa ba'sukum illaa kanafsinw-waa hidah; innal laaha Samee'um Baseer
abuurkiinna iyo soobixintiinu ma aha sida Nafkaliya mooyee (Fudaydka), Eebana waa maqle arke ah.
- 29
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يُولِجُ ٱلَّيْلَ فِى ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِى ٱلَّيْلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّۭ يَجْرِىٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍۢ مُّسَمًّۭى وَأَنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌۭ
Turjubaanka: Alam tara annal laaha yoolijul laila fin nahaari wa yoolijun nahaara fil laili wa sakhkharash shamsa wal qamara kulluny yajreee ilaaa ajalim musammanw wa annal laaha bimaa ta'malona Khabeer
miyeydaan ogayn in Eebe Habeenka dhex galiyo Maalinta, Maalintana dhexgaliyo Habeenka sakhirayna Qoraxda iyo Dayaxa mid, kastana uu u socdo muddo magacaaban, Eebana waxaad Camalfalaysaan waa ogyahay.
- 30
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ ٱلْبَٰطِلُ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْكَبِيرُ
Turjubaanka: Zaalika bi annal laaha Huwal Haqqu wa anna maa yad'oona min doonihil baatilu wa annal laaha Huwal 'Aliyyul Kabeer
Taasna wa in Eebe xaq yahay waxay caabudi ee ka soohadhayna baadil yahay iyo in Eebe yahay Sareeye wayn.
- 31
أَلَمْ تَرَ أَنَّ ٱلْفُلْكَ تَجْرِى فِى ٱلْبَحْرِ بِنِعْمَتِ ٱللَّهِ لِيُرِيَكُم مِّنْ ءَايَٰتِهِۦٓ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّكُلِّ صَبَّارٍۢ شَكُورٍۢ
Turjubaanka: Alam tara annal fulka tajree fil bahri bini'matil laahi li yuriyakum min Aayaatih; inna fee zaalika la Aayaatil likulli sabbaarin shakoor
miyeydaan ogayn in Doontu dhexsocoto Badda Nicmada Eebe darteed si uu idiin tusiyo aayaadkiisa, arrintaasna aayaadbaa ugu sugan Samirbadane shugri badan oo dhan.
- 32
وَإِذَا غَشِيَهُم مَّوْجٌۭ كَٱلظُّلَلِ دَعَوُا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمْ إِلَى ٱلْبَرِّ فَمِنْهُم مُّقْتَصِدٌۭ ۚ وَمَا يَجْحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا كُلُّ خَتَّارٍۢ كَفُورٍۢ
Turjubaanka: Wa izaa ghashiyahum mawjun kazzulali da'a-wul laaha mukhliseena lahud deena fa lammaa najjaahum ilal barri faminhum muqtasid; wa maa yajhadu bi Aayaatinaa illaa kullu khattaarin kafoor
marka hirku daboolo dadka oo Hoos la moodo waxay baryaan Eebe iyagoo u kali yeeli Diinta (Cibaadada) markuu u koriyo xagga Barrigana waxaa ka mid noqon Dadka mid dhexdexeysan, mana diido aayadkanaga mid khaa'in ah oo gaalimo badan mooyee.
- 33
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ وَٱخْشَوْا۟ يَوْمًۭا لَّا يَجْزِى وَالِدٌ عَن وَلَدِهِۦ وَلَا مَوْلُودٌ هُوَ جَازٍ عَن وَالِدِهِۦ شَيْـًٔا ۚ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّۭ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلْغَرُورُ
Turjubaanka: Yaaa ayyuhan naasuttaqoo Rabbakum wakhshaw Yawmal laa yajzee waalidun 'anw waladihee wa laa mawloodun huwa jaazin 'anw waalidihee shai'aa; innaa wa'dal laahi haqqun falaa taghurran nakumul hayaatud dunyaa wa laa yaghur rannakum billaahil gharoon
Dadow ka dhawrsada Eebihiin oo ka Cabsada Maalin uusan ka abaalmarinayn Waalid Ilmihiisa, Ilmuhuna Waalidka waxba, yabooha Eebana waa Xaq, ee yeyna idinku dhagrin nolosha adduunyo, yuuna idinku dhagrin Eebe dhagar badane (shaydaan).
- 34
إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ ٱلْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِى ٱلْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌۭ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًۭا ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌۢ بِأَىِّ أَرْضٍۢ تَمُوتُ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌۢ
Turjubaanka: Innal laaha 'indahoo 'ilmus saa'ati wa yunazzilul ghaisa wa ya'lamu maa fil arhaami wa maa tadree nafsum maazaa takisbu ghadaa; wa maa tadree nafsum bi ayyi ardin tamoot; innal laaha 'Aleemun Khabeer
Eebe agtiisuu yahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) iyo Roob di'iddu, wuxuuna ogyahay waxa makaanka (Ilma galeenka) ku sugan, nafna ma oga waxay mudan Barri, Nafna ma oga Dhulkay ku dhiman, Eebaa og xeelna dheer.
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.