Furayaasha: J ku xigta · K aayad hore
- 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓمٓر ۚ تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ۗ وَٱلَّذِىٓ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ٱلْحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤْمِنُونَ
Turjubaanka: Alif-Laaam-Meeem-Raa; tilka Aayaatul Kitaab; wallazee unzila ilaika mir Rabbikal haqqu wa laakinna aksaran naasi laa yu'minoon
Xarfaha hore oo kale waan soo Sheegnay Fasirkooda, Kuwaasna waa Aayaadkii Kitaabka (Quraanka), Waxaa lagaaga soo Dejiyay xagga Eebahaa waana Xaq Dadka Badankiise ma Rumaynin.
- 2
ٱللَّهُ ٱلَّذِى رَفَعَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيْرِ عَمَدٍۢ تَرَوْنَهَا ۖ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ ۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ ۖ كُلٌّۭ يَجْرِى لِأَجَلٍۢ مُّسَمًّۭى ۚ يُدَبِّرُ ٱلْأَمْرَ يُفَصِّلُ ٱلْءَايَٰتِ لَعَلَّكُم بِلِقَآءِ رَبِّكُمْ تُوقِنُونَ
Turjubaanka: Allaahul lazee raf'as samaawaati bighairi 'amadin tarawnahaa summas tawaa 'alal 'Arshi wa sakhkharash shamsa walqamara kulluny yajree li ajalim musammaa; yudabbirul amra yufassilil Aayaati la'allakum biliqaaa'i Rabbikum tooqinoon
Eebe waa kan koryeela Samooyinka Tiir La'aan aad Aragtaan Markaas ku istiwooday Carshiga, Sakhirayna Qorraxda iyo Dayaxa Dhammaana waxay ku socdaan Muddo magacaaban, Eebaa maamula amarka Caddeeyana aayaadka Inaad la kulanka Eebihiin yaqiinsataan.
- 3
وَهُوَ ٱلَّذِى مَدَّ ٱلْأَرْضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنْهَٰرًۭا ۖ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ جَعَلَ فِيهَا زَوْجَيْنِ ٱثْنَيْنِ ۖ يُغْشِى ٱلَّيْلَ ٱلنَّهَارَ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يَتَفَكَّرُونَ
Turjubaanka: Wa Huwal lazee maddal arda wa ja'ala feehaa rawaasiya wa anhaaraa; wa min kullis samaraati ja'ala feehaa zawjainis yaini Yughshil lailan nahaar; inna fee zaalika la aayaatil liqawminy yatafakkaroon
Eebe waa kan Fidiyay Dhulka Yeelayna Dhexdiisa buuro, iyo wabiyo Midho kastana ka yeelay Dhexdiisa laba nooc Wuxuuna ku Dadaa Habeenkii Maalinta, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan ciddii fikiri.
- 4
وَفِى ٱلْأَرْضِ قِطَعٌۭ مُّتَجَٰوِرَٰتٌۭ وَجَنَّٰتٌۭ مِّنْ أَعْنَٰبٍۢ وَزَرْعٌۭ وَنَخِيلٌۭ صِنْوَانٌۭ وَغَيْرُ صِنْوَانٍۢ يُسْقَىٰ بِمَآءٍۢ وَٰحِدٍۢ وَنُفَضِّلُ بَعْضَهَا عَلَىٰ بَعْضٍۢ فِى ٱلْأُكُلِ ۚ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَءَايَٰتٍۢ لِّقَوْمٍۢ يَعْقِلُونَ
Turjubaanka: Wa fil ardi qita'um muta jaawiraatunw wa jannaatum min a'naabinw wa zar'unw wa nakheelun sinwaanunw wa ghairu sinwaaniny yusqaa bimaaa'inw waahid; wa nufaddilu ba'dahaa 'alaa ba'din fil-ukul; inna fee zaalika la aayaatil liqawminy ya'qiloon
Dhulka waxaa ah Goosinno daris ah (isku dhaw) iyo Bustaan Cinaba iyo Beer iyo Timir oo Mataano ah iyo kuwo aan Mataano ahayn, laguna Waraabiyo Biyo kaliya Waxaana ku kala Fadilaynaa (Wanaajinaynaa) qaar qaarka kale Cunnada (Dhadhanka) Arrintaasna Calaamaa ugu Sugan Ciddii Wax kasi.
- 5
۞ وَإِن تَعْجَبْ فَعَجَبٌۭ قَوْلُهُمْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا أَءِنَّا لَفِى خَلْقٍۢ جَدِيدٍ ۗ أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِرَبِّهِمْ ۖ وَأُو۟لَٰٓئِكَ ٱلْأَغْلَٰلُ فِىٓ أَعْنَاقِهِمْ ۖ وَأُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلنَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Turjubaanka: Wa in ta'jab fa'ajabun qawluhm 'a-izaa kunna turaaban 'a-inna lafee khalqin jadeed; ulaaa 'ikal lazeena kafaroo bi Rabbihim wa ulaaa'ikal aghlaalu feee a'naaqihim wa ulaa'ika Ashaabun Naari hum feehaa khaalidoon
Haddaad yaabtana waxaa Yaaba Hadalkoodii Ahaa ma Markaan noqonno Carro yaa Markaas Abuur Cusub (Nala abuuri) Kuwaasi waa kuwa Luquntooda la Yeelay Katiinado waana kuwo Naarta Ehelkeeda ah Kuna Dhex waari.
- 6
وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبْلَ ٱلْحَسَنَةِ وَقَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِمُ ٱلْمَثُلَٰتُ ۗ وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغْفِرَةٍۢ لِّلنَّاسِ عَلَىٰ ظُلْمِهِمْ ۖ وَإِنَّ رَبَّكَ لَشَدِيدُ ٱلْعِقَابِ
Turjubaanka: Wa yasta'jiloonaka bis saiyi'ati qablal hasanati wa qad khalat min qablihimul masulaat; wa inna Rabbaka lazoo maghfiratil linnaasi 'alaa zulmihim wa inna Rabbaka lashadeedul 'iqaab
Waxayna kaa Dedejisan Xumaan wanaag ka hor Iyadooy Tagtay Hortood tusaalayaal (Ciqaabeed) Eebahaana waa u danbi Dhaafaha dadka iyagoo Dulmi ku sugan Eebahaana waa Ciqaab darane.
- 7
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌۭ مِّن رَّبِّهِۦٓ ۗ إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرٌۭ ۖ وَلِكُلِّ قَوْمٍ هَادٍ
Turjubaanka: Wa yaqoolul lazeena kafaroo law laaa unzila 'alaihi Aayatum mir Rabbih; innamaaa anta munzirunw wa likulli qawmin haad
waxay dheheen kuwii gaaloobay maxaa loogu soo Dejin waayey korkiisa Aayad xagga Eebihiis ka timid, adugu waxaad uun tahay Dige cid kastana waxay leedahay Hanuuniye.
- 8
ٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تَحْمِلُ كُلُّ أُنثَىٰ وَمَا تَغِيضُ ٱلْأَرْحَامُ وَمَا تَزْدَادُ ۖ وَكُلُّ شَىْءٍ عِندَهُۥ بِمِقْدَارٍ
Turjubaanka: Allaahu ya'lamu maa tahmilu kullu unsaa wa maa tagheedul arhaamu wa maa tazdaad, wa kullu shai'in 'indahoo bimiqdaar
Eebaa og waxay ku siddo uurka Dhaddig kasta, iyo waxay Ilmo galleennadu Nusqaamin, iyo waxay kordhin (Dhicis iyo Shin) wax kastana Eebe agtiisa Qaddar (Waqti) yuu leeyahay.
- 9
عَٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلْكَبِيرُ ٱلْمُتَعَالِ
Turjubaanka: 'Aalimul Ghaibi wash shahaadatil Kaabeerul Muta'aal
wuxuuna ogyahay wax maqan iyo waxa jooga waana weyne ka sarreeya (wax kasta).
- 10
سَوَآءٌۭ مِّنكُم مَّنْ أَسَرَّ ٱلْقَوْلَ وَمَن جَهَرَ بِهِۦ وَمَنْ هُوَ مُسْتَخْفٍۭ بِٱلَّيْلِ وَسَارِبٌۢ بِٱلنَّهَارِ
Turjubaanka: Sawaaa'um minkum man asarral qawla wa man jahara bihee wa man huwa mustakhfim billaili wa saaribum binnahaar
waana isku mid kiinna qarsada hadalka iyo kiinna la qaylya, iyo kii isqariya habeenkii iyo kii Muujiya Maalintii.
- 11
لَهُۥ مُعَقِّبَٰتٌۭ مِّنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦ يَحْفَظُونَهُۥ مِنْ أَمْرِ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا۟ مَا بِأَنفُسِهِمْ ۗ وَإِذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِقَوْمٍۢ سُوٓءًۭا فَلَا مَرَدَّ لَهُۥ ۚ وَمَا لَهُم مِّن دُونِهِۦ مِن وَالٍ
Turjubaanka: Lahoo mu'aqqibaatum mim baini yadaihi wa min khalfihee yahfazoonahoo min amril laah; innal laaha laa yughaiyiru maa biqawmin hattaa yughaiyiroo maa bianfusihim; wa izaaa araadal laahu biqawmin sooo'an falaa maradda lah; wa maa lahum min dooniheeminw waal
wuxuuna leeyahay (Ruux kasta) kuwo ku isbedela (Malaa'ig) oo hortiisa iyo Gadaashiisa ah kuna dhawra amarka Eebe, Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan, markuu Eebe la doono Dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka sokow Gargaare.
- 12
هُوَ ٱلَّذِى يُرِيكُمُ ٱلْبَرْقَ خَوْفًۭا وَطَمَعًۭا وَيُنشِئُ ٱلسَّحَابَ ٱلثِّقَالَ
Turjubaanka: Huwal lazee yureekumul barqa khawfanw wa tama'anw wa yunshi'us sahaabas siqaal
Eebe waa kan idin tusiya Hillaaca cabsi gelin iyo rajo gelin darteed, wuxuuna abuuraa daruurta culus.
- 13
وَيُسَبِّحُ ٱلرَّعْدُ بِحَمْدِهِۦ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ مِنْ خِيفَتِهِۦ وَيُرْسِلُ ٱلصَّوَٰعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَآءُ وَهُمْ يُجَٰدِلُونَ فِى ٱللَّهِ وَهُوَ شَدِيدُ ٱلْمِحَالِ
Turjubaanka: Wa yusabbihur ra'du bihamdihee walmalaaa'ikatu min kheefatihee wa yursilus sawaa'iqa fa yuseebu bihaa mai yashaaa'u wa hum yujaadiloona fil laahi wa Huwa shadeedul mihaal
wuxuuna la tasbiixsadaa onkadku Mahadda Eebe ku dheehan iyo Malaa'igtuna (waxay la tasbiixsan) Cabsida Eebe, wuxuuna diraa Danabyo wuxuuna ku ridaa cidduu doono, iyaguna waxay ku murmi Eebe isagoo ciqaabtiisu darantahay.
- 14
لَهُۥ دَعْوَةُ ٱلْحَقِّ ۖ وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَسْتَجِيبُونَ لَهُم بِشَىْءٍ إِلَّا كَبَٰسِطِ كَفَّيْهِ إِلَى ٱلْمَآءِ لِيَبْلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَٰلِغِهِۦ ۚ وَمَا دُعَآءُ ٱلْكَٰفِرِينَ إِلَّا فِى ضَلَٰلٍۢ
Turjubaanka: Lahoo da'watul haqq; wallazeena yad'oona min doonihee laa yastajeeboona lahum bishai'in illaa kabaasiti kaffaihi ilal maaa'i liyablugha faahu wa maa huwa bibaalighih; wa maa du'aaa'ul aafireena illaa fee dalaal
Eebe waxaa u Sugnaaday Baryo (iyo Cibaado) Xaqa, waxa ka soo hadhayna waxba uma ajiibaan (kuwa baryi) sida mid ku fidiyey Gacmihiisa Xagga Biyaha inay Afkiisa gaadhaan, mana gaadhayaan, Baryada Gaaladuna waxaan baadi ahayn ma aha.
- 15
وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ طَوْعًۭا وَكَرْهًۭا وَظِلَٰلُهُم بِٱلْغُدُوِّ وَٱلْءَاصَالِ ۩
Turjubaanka: Wa lillaahi yasjudu man fis samaawaati wal ardi taw 'anw wa karhanw wa zilaaluhum bilghuduwwi wal aasaal
waxaa Ilaahay u Sujuuda «u khuduuca» waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka Ogolaansho iyo Qasab iyo Hooskooda aroor iyo Galbihiiba.
- 16
قُلْ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ قُلِ ٱللَّهُ ۚ قُلْ أَفَٱتَّخَذْتُم مِّن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ لَا يَمْلِكُونَ لِأَنفُسِهِمْ نَفْعًۭا وَلَا ضَرًّۭا ۚ قُلْ هَلْ يَسْتَوِى ٱلْأَعْمَىٰ وَٱلْبَصِيرُ أَمْ هَلْ تَسْتَوِى ٱلظُّلُمَٰتُ وَٱلنُّورُ ۗ أَمْ جَعَلُوا۟ لِلَّهِ شُرَكَآءَ خَلَقُوا۟ كَخَلْقِهِۦ فَتَشَٰبَهَ ٱلْخَلْقُ عَلَيْهِمْ ۚ قُلِ ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَىْءٍۢ وَهُوَ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّٰرُ
Turjubaanka: Wul mar Rabbus samaawaati wal ard; qulillaah; qul afattakhaztum min dooniheee awliyaaa'a laa yamlikoona li anfusihim naf'anw wa laa darraa; qul hal yastawil a'maa wal baseeru am hal tastawiz zulumaatu wannoor; am ja'aloo lillaahi shurakaaa'a khalaqoo kakhalqihee fatashaa bahal khalqu 'alaihim; qulil laahu Khaaliqu kulli shai'inw wa Huwal Waahidul Qahhar
waxaad dhahdaa yaa ah Eebaha Samooyinka iyo Dhulka, waxaadna dhahdaa waa Eebe, waxaadna dhahdaa ma yeelanaysaan Eebe ka sokow Awliyo (gargaarayaal) oon u hananayn naftooda Nacfi iyo dhib midna, dheh ma egyihiin Indhoole iyo wax Arke, mase ehyihiin Mugdiyo iyo Nuur mise waxay u yeeleen Eebe Shuruko wax u Abuuray sida Abuurka Eebe oo waxaa isaga ekaaday Abuurkii, waxaad dhahdaa Eebaa wax kasta Abuuray waana kali awood badan.
- 17
أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۭ فَسَالَتْ أَوْدِيَةٌۢ بِقَدَرِهَا فَٱحْتَمَلَ ٱلسَّيْلُ زَبَدًۭا رَّابِيًۭا ۚ وَمِمَّا يُوقِدُونَ عَلَيْهِ فِى ٱلنَّارِ ٱبْتِغَآءَ حِلْيَةٍ أَوْ مَتَٰعٍۢ زَبَدٌۭ مِّثْلُهُۥ ۚ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْحَقَّ وَٱلْبَٰطِلَ ۚ فَأَمَّا ٱلزَّبَدُ فَيَذْهَبُ جُفَآءًۭ ۖ وَأَمَّا مَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ فَيَمْكُثُ فِى ٱلْأَرْضِ ۚ كَذَٰلِكَ يَضْرِبُ ٱللَّهُ ٱلْأَمْثَالَ
Turjubaanka: Anzala minas samaaa'i maaa'an fasaalat awdiyatum biqadarihaa fahtamalas sailu zabadar raabiyaa; wa mimmmaa yooqidoona 'alaihi fin naarib tighaaa'a bilyatin aw mataa'in zabadum misluh; kazaalika yadribul laahul haqqa wal baatil; fa ammaz zabadu fa yazhabu jufaaa'aa; wa ammaa maa yanfa'un naasa fa yamkusu fil ard; kazaalika yadribul laahul amsaal
wuxuu ka soo dejiyey Samada Biyo waxaana la durduray waadiyo Awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa, waxay dabka ku huriyaanna Doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur la mida, saasuuna Eebe ugu yeelan tusaale xaqa iyo Baadilka, Xumbaduse way tagi iyadoo ingagan waxa dadka anficise wuxuu ku nagaan dhulka, saasuuna Eebe u yeelaa Tusaalayaasha.
- 18
لِلَّذِينَ ٱسْتَجَابُوا۟ لِرَبِّهِمُ ٱلْحُسْنَىٰ ۚ وَٱلَّذِينَ لَمْ يَسْتَجِيبُوا۟ لَهُۥ لَوْ أَنَّ لَهُم مَّا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًۭا وَمِثْلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفْتَدَوْا۟ بِهِۦٓ ۚ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْحِسَابِ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ
Turjubaanka: Lillazeenas tajaaboo lirabbihimul husnaa; wallazeena lam yastajeeboo lahoo law anna lahum maa fil ardi jamee'anw wa mislahoo ma'ahoo laftadaw bih; ulaaa'ika lahum sooo'ul hisaab; wa maawaahum Jahannamu wa bi'sal mihaad
kuwa Eebahood ajiibay (Maqlay) waxaa u sugnaaday wanaag (janno) kuwaan ajiibin (maqlinna) hadduu u sugnaado wax dhulka ku sugan dhammaan oo wax la mida la jiro way isku furan lahaayeen kuwaasna waxaa u sugnaaday xisaab xun (daran) Hooygooduna waa Jahannamo iyadaana u xun gogol.
- 19
۞ أَفَمَن يَعْلَمُ أَنَّمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ٱلْحَقُّ كَمَنْ هُوَ أَعْمَىٰٓ ۚ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ
Turjubaanka: Afamai ya'lamu annamaaa unzila ilaika mir Rabbikal haqqu kaman huwa a'maa; innamaa yatazakkaru ulul albaab
cid og in waxa laggaga soo dejiyey xagga Eebahaa uu xaq yahay ma la midbaa mid indho la', waxaa uun waantooma kuwa caqliga leh.
- 20
ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهْدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلْمِيثَٰقَ
Turjubaanka: Allazeena yoofoona bi'ahdil laahi wa laa yanqu doonal meesaaq
ee ah kuwa Oofiya ballanka Eebe oon burininna ballanka adag.
- 21
وَٱلَّذِينَ يَصِلُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ وَيَخَافُونَ سُوٓءَ ٱلْحِسَابِ
Turjubaanka: Wallazeena yasiloona maaa amaral laahu bihee an yoosala wa yakhshawna Rabbahum wa yakhaafoona sooo'al hisaab
ee ah kuwa xidhiidhiya waxa Eebe faray in la xidhiidhiyo kana cabsada Eebahood kana cabsada xisaab xun.
- 22
وَٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِمْ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُوا۟ مِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ سِرًّۭا وَعَلَانِيَةًۭ وَيَدْرَءُونَ بِٱلْحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عُقْبَى ٱلدَّارِ
Turjubaanka: Wallazeena sabarub tighaaa'a Wajhi Rabbihim wa aqaamus Salaata wa anfaqoo mimmaa razaqnaahum sirranw wa 'alaaniyatanw wa yadra'oona bilhasanatis saiyi'ata ulaaa'ika lahum 'uqbad daar
ee ah kuwa u samray doonid wajiga Eebahood dartiis, oogayna Salaadda, kana bixiyey waxaan ku arzaaqnay qayb qarsoodi iyo muuqaalba, raacsiiyana wanaagga xumaanta, kuwaas cidhib fiican yaa u sugnaatay.
- 23
جَنَّٰتُ عَدْنٍۢ يَدْخُلُونَهَا وَمَن صَلَحَ مِنْ ءَابَآئِهِمْ وَأَزْوَٰجِهِمْ وَذُرِّيَّٰتِهِمْ ۖ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ يَدْخُلُونَ عَلَيْهِم مِّن كُلِّ بَابٍۢ
Turjubaanka: jannaatu 'adiny yadkhu loonahaa wa man salaha min aabaaa'ihim wa man salaha min aabaaa'ihim wa azwaajihim wa zurriyyaatihim walmalaaa'i katu yadkhuloona 'alaihim min kulli baab
waxaana gali jannada cadnin iyaga iyo cidda suuban oo Aabbayaalkooda, Haweenkooda iyo caruurtooda, Malaa'igtuna waxay uga soo gali irid kasta.
- 24
سَلَٰمٌ عَلَيْكُم بِمَا صَبَرْتُمْ ۚ فَنِعْمَ عُقْبَى ٱلدَّارِ
Turjubaanka: Salaamun 'alaikum bimaa sabartum; fani'ma 'uqbad daar
iyagoo ku dhihi Nabadgalyo korkiinna ha ahaato samirkiinna dartiis waxaa wanaag badan cidhibta daarta (Janno).
- 25
وَٱلَّذِينَ يَنقُضُونَ عَهْدَ ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مِيثَٰقِهِۦ وَيَقْطَعُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ ۙ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱللَّعْنَةُ وَلَهُمْ سُوٓءُ ٱلدَّارِ
Turjubaanka: Wallazeena yanqudoona 'Ahdal laahi mim ba'di meesaaqihee wa yaqta'oona maaa amaral laahu biheee ai yoosala wa yufsidoona fil ardi ulaaa'ika lahumul la'natu wa lahum sooo'ud daar
kuwa buriya Ballanka Eebe adkayntiisa ka dib gooyana wuxuu faray Eebe in la xidhiidhiyo oo fasaadiyana dhulka kuwaas waxaa u sugnaaday Lacnad iyo Guri xun.
- 26
ٱللَّهُ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ ۚ وَفَرِحُوا۟ بِٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَمَا ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا فِى ٱلْءَاخِرَةِ إِلَّا مَتَٰعٌۭ
Turjubaanka: Allaahu yabsutur rizqa limai yashaaa'u wa yaqdir; wa farihoo bilhayaatid dunyaa wa mal hayaatud dunya fil Aakhirati illaa mataa'
Eebaana u fidiya rizqiga cidduu doono kuna cidhiidhya (cidduudoono), waxayna ku farxeen gaaladii Nolosha Adduunyo, mana aha nolosha adduunyo Aakharo agteeda waxaan maalmo lahu raaxaysto ahayn.
- 27
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْهِ ءَايَةٌۭ مِّن رَّبِّهِۦ ۗ قُلْ إِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِىٓ إِلَيْهِ مَنْ أَنَابَ
Turjubaanka: Wa yaqoolul lazeena kafaroo law laaa unzila 'alaihi Aayatum mir Rabbih; qul innal laaha yudillu mai yashaa'u wa yahdeee ilaihi man anaab
waxay dhihi kuwii gaaloobay maxaa loogu soo dejin waayey korkiina Aayado Eebihiisa xaggiisa, waxaad dhahdaa Eebe wuu dhumiyaa ciduu doono (oo xaqa diida) wuxuuna u hanuuniyaa xagiisa ciddii u noqota.
- 28
ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ ٱللَّهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ ٱللَّهِ تَطْمَئِنُّ ٱلْقُلُوبُ
Turjubaanka: Allazeena aamanoo wa tatma'innu quloobuhum bizikril laah; alaa bizikril laahi tatma'innul quloob
ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna xasishay Quluubtoodu xuska Eebe, xuska Eebayna ku xasishaa Quluubtu.
- 29
ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ طُوبَىٰ لَهُمْ وَحُسْنُ مَـَٔابٍۢ
Turjubaanka: Allazeena aamanoo w a'amilus saalihaati toobaa lahum wa husnu ma aab
ee ah kuwa rumeeyey xaqa falayna camal suuban waxaana u sugnaaday khayr iyo Nicmo iyo Noqosho wanaagsan.
- 30
كَذَٰلِكَ أَرْسَلْنَٰكَ فِىٓ أُمَّةٍۢ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهَآ أُمَمٌۭ لِّتَتْلُوَا۟ عَلَيْهِمُ ٱلَّذِىٓ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ وَهُمْ يَكْفُرُونَ بِٱلرَّحْمَٰنِ ۚ قُلْ هُوَ رَبِّى لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ مَتَابِ
Turjubaanka: Kazaalika arsalnaaka feee ummatin qad khalat min qablihaaa umamul litatluwa 'alaihimul lazeee awhainaaa ilaika wa hum yakfuroona bir Rahmaaan; qul Huwa Rabbee laaa ilaaha illaa Huwa Rabbee laaa ilaaha illaa Huwa 'alaihi tawakkaltu wa ilaihi mataab
saasaan kuugu dirray Ummad ay tageen Ummado hortood inaad ku akhrido kaan kuu waxyoonay iyaguna waxay ka gaaloobi Eebaha Raxmaana, waxaad dhahdaa Eebe mooyee Illah kale ma jiro, isagaana tala saartay xagiisaana u noqon.
- 31
وَلَوْ أَنَّ قُرْءَانًۭا سُيِّرَتْ بِهِ ٱلْجِبَالُ أَوْ قُطِّعَتْ بِهِ ٱلْأَرْضُ أَوْ كُلِّمَ بِهِ ٱلْمَوْتَىٰ ۗ بَل لِّلَّهِ ٱلْأَمْرُ جَمِيعًا ۗ أَفَلَمْ يَا۟يْـَٔسِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَن لَّوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَهَدَى ٱلنَّاسَ جَمِيعًۭا ۗ وَلَا يَزَالُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ تُصِيبُهُم بِمَا صَنَعُوا۟ قَارِعَةٌ أَوْ تَحُلُّ قَرِيبًۭا مِّن دَارِهِمْ حَتَّىٰ يَأْتِىَ وَعْدُ ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخْلِفُ ٱلْمِيعَادَ
Turjubaanka: Wa law anna Quraanan suyyirat bihil jibaalu aw qutti'at bihil ardu aw kullima bihil mawtaa; bal lillaahil amru jamee'aa; afalam yai'asil lazeena aamanooo al law yashaaa 'ullaahu lahadan naasa jamee'aa; wa laa yazaalul lazeena kafaroo tuseebuhum bimaa sana'oo qaari'atun aw tahullu qareebam min daarihim hatta yaatiya wa'dul laah; innal laaha laa yukhliful mee'aad
haddii Quraan dartiis buuro lala kaxayn, ama lala goyn dhulka ama lagula hadli Dadki dhintay (Wuxuu noqon lahaa Quraankan) amarkase Eebaa dhammaantiis iska leh, miyeyanse ogayn kuwa rumeeyey xaqu hadduu Eebe doonoinuu hanuunin lahaa Dadka dhammaan kamana tagaan kuwii gaaloobay (Xumaan) intay kaga dhacdo Musiibo waxay faleen Darteed ama degto meel ku dhaw guryahooda intuu ka yimaaddo Yaboohii Eebe, Illaah Ma baajiyo ballanka.
- 32
وَلَقَدِ ٱسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍۢ مِّن قَبْلِكَ فَأَمْلَيْتُ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ثُمَّ أَخَذْتُهُمْ ۖ فَكَيْفَ كَانَ عِقَابِ
Turjubaanka: Wa laqadis tuhzi'a bi Rusulim min qablika fa amlaitu lillazeena kafaroo summa akhaztuhum fakaifa kaana 'iqaab
waxaa lagy Jees Jeesay Rasuullo ka horreeyey markaasaan sugay kuwii gaaloobay, ka dibna waan Qabtay ee siday noqotay ciqaabtaydii (Way darrayd).
- 33
أَفَمَنْ هُوَ قَآئِمٌ عَلَىٰ كُلِّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ ۗ وَجَعَلُوا۟ لِلَّهِ شُرَكَآءَ قُلْ سَمُّوهُمْ ۚ أَمْ تُنَبِّـُٔونَهُۥ بِمَا لَا يَعْلَمُ فِى ٱلْأَرْضِ أَم بِظَٰهِرٍۢ مِّنَ ٱلْقَوْلِ ۗ بَلْ زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مَكْرُهُمْ وَصُدُّوا۟ عَنِ ٱلسَّبِيلِ ۗ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنْ هَادٍۢ
Turjubaanka: Afaman Huwa qaaa'imun 'alaa kulli nafsim bimaa kasabat; wa ja'aloo illlaahi shurakaaa'a qul samoohum; am tunabbi'oona hoo bimaa laa ya'lamu fil ardi; am bizaahirim minal qawl; bal zuyyina lillazeena kafaroo makruhum wa suddoo 'anis sabeel; wa mai yudlilil laaahu famaa lahoo min haad;
cid ku ilaalin naf kastaa waxay kasbatay (Eebe) ma la midbaa midaan saas ahayn, waxayna u yeeleen Eebe Shurako dheh magacaaba, mise waxaad Eebe uga warramaysaan waxaan Eebe uga warramaysaan waxaan joogin Dhulka, mise hadal muuqaala, saas ma aha ee waxaa loo qurxiyey kuwii gaaloobay dhagartooda waxaana laga leexiyey Jidka, cid Eebe dhumiyeyna ma laha wax hanuunin.
- 34
لَّهُمْ عَذَابٌۭ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَعَذَابُ ٱلْءَاخِرَةِ أَشَقُّ ۖ وَمَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٍۢ
Turjubaanka: Lahum 'azaabun fil hayaatid dunyaa wa la'azaabul Aakhirati ashaaq, wa maa lahum minal laahi min-waaq
waxayna mudan cadaab nolosha adduun, cadaabka aakhiraana daran mana u sugna wax Eebe ka Ilaalin.
- 35
۞ مَّثَلُ ٱلْجَنَّةِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ ۖ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ ۖ أُكُلُهَا دَآئِمٌۭ وَظِلُّهَا ۚ تِلْكَ عُقْبَى ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوا۟ ۖ وَّعُقْبَى ٱلْكَٰفِرِينَ ٱلنَّارُ
Turjubaanka: Masalul Jannatil latee wu'idal muttaqoona tajree min tahtihal anhaaru ukuluhaa daaa'imunw wa zilluhaa; tilka uqbal lazeenat taqaw wa 'uqbal kafireenan Naar
tusaalaha (Tilmaanta) jannada loo darbay kuwa dhawrsada waa inay dhex socdaan Wabiyaalkii, Cunnadeeduna waa joogto iyo hooskeedu, taasina waa cidhibta kuwa dhawrsada cidhibta gaaladuna waa Naar.
- 36
وَٱلَّذِينَ ءَاتَيْنَٰهُمُ ٱلْكِتَٰبَ يَفْرَحُونَ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيْكَ ۖ وَمِنَ ٱلْأَحْزَابِ مَن يُنكِرُ بَعْضَهُۥ ۚ قُلْ إِنَّمَآ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ ٱللَّهَ وَلَآ أُشْرِكَ بِهِۦٓ ۚ إِلَيْهِ أَدْعُوا۟ وَإِلَيْهِ مَـَٔابِ
Turjubaanka: Wallazeena aatainaa humul Kitaaba yafrahoona bimaa unzila ilaika wa minal Ahzaabi mai yunkiru ba'dah; qul innamaa umirtu an a'budal laaha wa laaa ushrika bih; ilaihi ad'oo wa ilaihi maab
kuwaan siinnay Kitaabka waxay ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, xisbiyada waxaa ka mida kuwo diidi Qaarkiis, waxaad dhahdaa waxaa uun lay faray inaan caabudo Eebe una shariig yeelin, xaggiisaan u yeedhi xaggiisaana u noqon.
- 37
وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَٰهُ حُكْمًا عَرَبِيًّۭا ۚ وَلَئِنِ ٱتَّبَعْتَ أَهْوَآءَهُم بَعْدَمَا جَآءَكَ مِنَ ٱلْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِىٍّۢ وَلَا وَاقٍۢ
Turjubaanka: Wa kazaalika anzalnaahu hukman 'Arabiyyaa; wa la'init taba'ta ahwaaa 'ahum ba'da maa jaaa'aka minal 'ilmi maa laka minal laahi minw waliyinw wa laa waaq
saasaana kuugu soo dejinnay xukun Carabi ah, haddaad raacdo hawadoodana intuu cilmi ku soo gaadhay ka dib, kama helaysid xagga Eebe gargaare iyo dhawre.
- 38
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلًۭا مِّن قَبْلِكَ وَجَعَلْنَا لَهُمْ أَزْوَٰجًۭا وَذُرِّيَّةًۭ ۚ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأْتِىَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ ۗ لِكُلِّ أَجَلٍۢ كِتَابٌۭ
Turjubaanka: Wa laqad arsalnaa Rusulam min qablika wa ja'alnaa lahum azwaajanw wa zurriyyah; wa maa kaana lirasoolin ai yaatiya bi aayatin illaa bi iznil laah; likulli ajalin kitaab
waxaan dirray hortaa rasuullo waxaana u yeellay Haween iyo caruur, Rasuulna Mucjiso lama imaan karo idimka Eebe La'aantiis, muddo kastana way Qorantahay.
- 39
يَمْحُوا۟ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ وَيُثْبِتُ ۖ وَعِندَهُۥٓ أُمُّ ٱلْكِتَٰبِ
Turjubaanka: Yamhul laahu maa yashaaa'u wa yusbitu wa 'indahooo ummul Kitaab
eebana wuu tiraa wuxuu doono wuuna sugaa, Agtiisana waxaa ah Looxul maxfuudka.
- 40
وَإِن مَّا نُرِيَنَّكَ بَعْضَ ٱلَّذِى نَعِدُهُمْ أَوْ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَٰغُ وَعَلَيْنَا ٱلْحِسَابُ
Turjubaanka: Wa im maa nurriyannaka ba'dal lazee na'iduhum aw nata waffayannaka fa innamaa 'alaikal balaaghu wa 'alainal hisaab
haddaan ku tusinno qaar waxaan u yaboohi (oo dulli ah waa saas) haddaanse ku Qofsanno waxaa uun korkaaga ah Gaadhsiin Anagana waxaa na saaran inaan xisaabinno.
- 41
أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا نَأْتِى ٱلْأَرْضَ نَنقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَا ۚ وَٱللَّهُ يَحْكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكْمِهِۦ ۚ وَهُوَ سَرِيعُ ٱلْحِسَابِ
Turjubaanka: Awalam yaraw annaa naatil arda nanqusuhaa min atraafihaa; wallaahu yahkumu laa mu'aqqiba lihukmih; wa Huwa saree'ul hisaab
miyeyna arkayn inaannu uga imaan dhulka darfaha anagoo nusqaamin furid (ama Abaar) Eebana wuu xukumi, wax burinna ma jiro xukunkiisa, waana midkay deg deg tahay xisaabtiisu.
- 42
وَقَدْ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَلِلَّهِ ٱلْمَكْرُ جَمِيعًۭا ۖ يَعْلَمُ مَا تَكْسِبُ كُلُّ نَفْسٍۢ ۗ وَسَيَعْلَمُ ٱلْكُفَّٰرُ لِمَنْ عُقْبَى ٱلدَّارِ
Turjubaanka: Wa qad makaral lazeena min qablihim falillaahil makru jamee'aa; ya'lamu maa taksibu kullu nafs; wa sa ya'lamul kuffaaru liman 'uqbad daar
waxaa wax dhagray kuwii ka horreeyey Eebaase abaal maris (Dhagar) iska leh dhammaan, wuxuuna ogyahay waxay kasban naf kasto, waxayna ogaan Gaaladu cidday u ahaato cidhib fiican.
- 43
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَسْتَ مُرْسَلًۭا ۚ قُلْ كَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدًۢا بَيْنِى وَبَيْنَكُمْ وَمَنْ عِندَهُۥ عِلْمُ ٱلْكِتَٰبِ
Turjubaanka: Wa yaqoolul lazeena kafaroo lasta mursalaa; qul kafaa billaahi shaheedam bainee wa bainakum wa man 'indahoo 'ilmul Kitaab
waxayna dhihi kuwii Galoobay ma tihid Rasuul, waxaad dhahdaa waxaa marag ugu filan dhexdeenna Eebe iyo cidda agteed ogaanshaha Kitaabku yahay.
Daabacaadda tarjumaada: so.abduh
Aayadda maqalka ah: Mishary Rashid Alafasy (128kbps via islamic.network CDN).
Qoraal iyo tarjumaad: api.alquran.cloud · Uthmani Carabi.
Haddii micnaha ayah uusan caddayn, weydii macalin aqoon leh - gaar ahaan arrimaha sharciga iyo caqiidada.